DEG DEG: 55 Al-Shabaab ah ‘oo lagu dilay’ weerar

55 Al-Shabaab ah ‘oo lagu dilay’ weerar

Hawl-gal lagu khaarijiyay 55 Shabaab ah.

Dowladda federaalka Somaliya ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixisay howlgal dhanka cirka ah oo maanta ka dhacay koonfurta gobolka Mudug, kaas oo lagu qaaday xubno ka tirsan Al-Shabaab oo isku uruursanayay halkaasi.

Duqeynta ayaa si gaar ah uga dhacday dhul howd ah oo u dhexeeya deegaanada Caad iyo Cadaley oo ka tirsan gobolka Mudug ee dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug.

Taliye Ibraahim Cadow oo ka hadlay Duqeyntaas.

Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Sarreeye Gaas Ibraahim Sheekh Muxyidiin Cadow oo ka hadlay duqeyntaasi ayaa sheegay in lagu dilay 55 xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, sidoo kalena la dhaawacay ina ka badan 40 kale, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in la burburiyay saldhigyo ay kooxda ku lahayd halka loo yaqaano Howdka Jeexjeexa oo ah goob ay kasoo abaabuli jirtay weerarada.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in weerarkan lagu gubay gaadiid ay qaraxyo ku diyaariyeen xubnaha Al-Shabaab, kuwaas oo lasoo wariyay inay goobta ku basbeeleen.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay Al-Shabaab oo ku aadan duqeyntaas ee ay guula ka sheegatay dowladda federaalka Soomaaliya.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana duqeymahan barbar socda howlgallo ay wadaan ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka ee ku sugan Mudug.

Xaalka shabaabka ku sugan gobollada dhexe.

Maalmihii u dambeeyay waxaa Al-Shabaab laga saaray deegaano iyo degmooyin ku yaalla gobollada dhexe, kadib dagaallo culus oo ka dhacay deegaanada maamulka Galmudug.

Post a Comment

0 Comments