Falcelin culus oo ka dhalatay ciyaarta Galmudug iyo HirShabelle

Falcelin culus oo ka dhalatay ciyaarta Galmudug iyo HirShabelle

Faahfaahin ciyaarta Finalka ah ee galabta ka socota Muqdisho

Galabta waxaa lagu wadaa in magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyo tartanka ciyaaraha maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir, kaas oo muddooyinkan ka socday garoonka weyn ee Stadium Muqdisho.

Ciyaarta galabta oo kama dambeys ah ayaa waxa ay u dhexeysaa xulalka Galmudug iyo HirShabelle oo isugu haray Finalka ciyaaraha maamul goboleedyada dalka.

Kulanka galabta ayaa ah mid xiiso badan, waxaan goor sii horreysay taageerayaal badan ay buux dhaafiyeen garoonka ay ka dhaceyso ciyaarta oo ku yaalla degmada Warta Nabadda.

Falcelin xoogan oo ka dhalatay ciyaarta galabta

Falcelin xoogan oo qabsatay baraha bulshada ayaa ka dhalatay ciyaarta galabta, ayada oo taageerayaasha labada dhinac ay si weyn isugu hardinayaan ciyaartan.

Cabdiweli Cali Rooble ayaa taageero u muujiyay Galmudug, wuxuuna yiri “Galmudug qurxiyayaasha ciyaaraha gobolada, banooni, xamaasad iyo taageeraba, guul Galmudug.”

Maxamed Qadar Cabdullaahi ayaa bogaadiyay ciyaartan “Waxaan u jeedaa waddan nabd ah guuleysta dadkeygiyow dal xureeye mahadsanid”.

Cabdinuur Maxamed Gurey oo kamid ah dhalinyarada ka falceiyay kulanka galabta ayaa isna taageeray HirShabelle “Dadkoo dhan waa HirShabelle” ayuu yiri.

Cabdisalaan Jibriin ayaa isna ku jawaabay “Masha Allah ciyaaruhu waa isdhexgal bulsho tartankan maamul goboledyada iyo gobolka Banaadir sida loo soo camiray waxay muujinaysaa nabadgalyada iyo horumarka socda Masha Allah”.

Haybe ayaa isna farriin culus u diray taageerayaasha labada koox, wuxuuna yiri “Xamaasada badan ma fiicno ciyaarta hala sugo waxay ku dhamaato”.

Xaliima Maariin ayaa iyaduna tiri “Aniga farxad waxaa iigu filan quruxdan iyo nabaddan Allaha Muqdisho noo barakeeyo Good Luck to both team”.

Post a Comment

0 Comments