Faahfaahin la xiriirta ninka xaaskiisa oo xaamilo ahayd ku gubay Muqdisho


Wararka ka imanaya Magaalada Muqdisho 

Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dhacdadii argagaxa lahayd ee shalay ka dhacday magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir, taas oo lagu gubay hooyo iyo carruurteeda.

Dhacdadan ayaa timid kadib markii nin kamid ahaa dadka deegaanka uu guri ku yaalla degmadaas uu ku gubay xaaskiisa iyo caruurtiisa, kadibna uu baxsaday.

Ninka oo lagu magacaabo Sayd-Cali Macallin Daa’uud ayaa la sheegay inuu maseeray, kadibna uu sidaas dab ku qabadsiiyay guriga oo ay ku sugnaayeen xaaskiisa & Carruurtiisa.

War cusub oo kasoo kordhay dhacdadan 

War cusub ayaa hadda kasoo kordhay falkan argagaxa leh, waxaana soo fara-geliyay booliska Soomaaliyeed oo sheegay inay dabagal ku hayaan eedeysanaha oo baxsad ah.

Sidoo kale waxaa falkan ka hadlay gabadha la gubay walaalkeed oo lagu magacaabo Camaadi Sheekh Cabdiziiz, kaas oo sheegay in walaashiis oo iyana la yiraahdo Luul Sheekh Cabdicasiis iyo wiil yar oo ay u dhashay ninka gubay ay hadda ku jiraan qeybta xaaladaha culus ee isbitaalka Digfeer.

Camaadi oo la hadlay BBC ayaa shaaca ka qaaday in xaaladda walaashiis ay liidato, ayna ku jirto Koomo, welina ay la tacaalayaan dhaqaatiirka isbitaalka.

Waxaa kale oo uu intaasi ku daray in ninka walaashiis dabka qabad siiyay ay is guursadeen muddo hadda laga joogo 6 bil, isaga oo sheegay inuusan jirin wax khilaaf ah oo ehelku ogaa oo ka dhaxeeyay.

Arrintan ayaa la yaab ku noqotay reer Muqdisho, maadaama ay tahay dhacdo ugub ah oo si weyn looga argagaxay, sidoo kalena si aad ah looga hadal hayo baraha bulshada.

Post a Comment

0 Comments