Hogaamihii Shabaab u qaabilsanaa gobollada Galgaduud iyo Mudug oo la khaarijiyay.

Ciidamada Macawisley oo toogasho ku dilay Bashiir Ciidle Barre oo ka mid ahaa..

Ciidamada Macawisley oo toogasho ku dilay Bashiir Ciidle Barre.

Ciidamada Macawisley ayaa xalay Toogasho ku dilay Bashiir Ciidle Barre oo ahaa mid ka mid ah saraakiisha Alshabaab ee muddo ku sugnaa gobollada Galgaduud iyo Mudug.

Ninkan ayaa lagu eedeeyey inuu dhowaan dad Shacabka ah ku dilay degaanka Howdley ee Gobolka Galgaduud.

Ninkaan la toogtay ayaa  Alshabaab in mudda ah u qaabilsanaa waxa loogu yeero ururinta Zakawaadka ee Gobalada Galgaduud iyo mudug, waxayna dhawaan u magacaabeen dagaalada inuu Hogaamiyo.

Qoraal ay baahisay warbaahinta dowlada

“Horjoogahaan la toogtay ayaa Shacabka dhibaateyn jiray, waxuuna dhawaan xasuuqay dad shacab ah, maanta ayaa la toogtay waxaana laga soo furtay Qoray AK-47 ah, Boosh iyo Moota Fekon, waxaana lagu dilay deegaan hoostaga Degmada Xarardheere” ayaa lagu yiri qoraal ay baahisay warbaahinta dowlada.

Dilka sarkaalkan ayaa ku soo aaday xili ciidamada Macawisley ay la wareegeen degaanka Caad oo ka mid ah degaano fara ku tiris ah oo Al shabaab ay ka joogeen gobolka Mudug ka dib dagaalo todobaadyo socday.

Post a Comment

0 Comments