Laba xubnood oo ka tirsanaa Shabaab oo isku soo dhiibay NISA

Aadan Isaaq iyo Siid Cali oo 5 sano kadib u gacan galay NISA

Laba xubnood oo katirsanaa Shabaab oo isku soo dhiibay NISA

Ciidanka Nabad-sugida iyo Sirdoonka Qaranka qeybtooda gobolka Bakool ayaa waxaa maanta isku soo dhiibay laba xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Maxamed Ibraahim Maxamed Nuur oo magaciisa afgarashada loogu yeero (Siid Cali) oo 22 jir ah iyo Aadan Isaaq Aadan oo 21 jir ah ayaa muddo 5 sano ah ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab.

Maxa ku dhaliyay fikirka ah inay kasoo goostaan shabaab

Raggan ayaa sheegay inay qaateen go’aankaan ay kaga soo baxeen fikirka qaldan ee kooxda kadib markii ay arkeen Diin la’aanta, boobka iyo marin habaabinta Al-Shabaab.

Maxamed Ibraahin iyo Aadan Isaaq ayaa sheegay inay ka mid ahaayeen Jabhadda Al-Shabaab, waxayna xuseen inay ka qeyb qaateen dhawr dagaal iyo howlgal oo kooxda ay fulisay.

Xubnahaan ka tirsanaa Al-Shabaab ayaa sheegay in iyaga oo ka faa’iidaysana cafiska madaxweynaha qaranka ay helaan dhaqan celin si looga mayro afkaartii qaldanayd ee Shabaab ku beertay, iyaga oo da’yar ahna ay kaga faa’iidaysatay.

Xaalka hadda ay kooxda Alshabaab ku sugantahay

Sanadkii dhamaaday deegaanada Koofur Galbeed ayaa waxaa iska soo dhiibay boqolaal Shabaab ah, kuwaasi oo sheegay inay u adkaysan waayeen nolol xumada iyo dagaalada adag ee kooxda ku haysata furimaha dagaalka.

Si kastaba, wejiga koowaad ee dagaalka Al-Shabaab ayaa maraya heer geba-gebo ah, ayada oo kooxda looga xoreeyay deegaano horleh oo sanado badan ay gacanta ku haysay, loogana dilay horjoogayaal iyo dagaal-yahaanadii ugu badna.

Post a Comment

0 Comments