Xubno Shabaab ah oo nolosha lagu soo qabtay

Xubno Shabaab ah oo nolosha lagu soo qabtay

Wararka ka imanaya gobolka Shabeelaha Dhexe

Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in maanta ciidamada deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleyda ay howlgallo ka sameeyeen deegaanka Cadcadey, kadibna ay soo qabteen xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Taliyaha ciidanka Macawiisleyda ee deegaanka Cilmi Cabdulle Cali oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa faahfaahiyay howlgalladaais, isaga oo xaqiijiyay inay nolosha ku qabteen saddex kamid ah xubnaha Al-Shabaab oo ku sugnaa deegaanada howlgalka laga fuliyay.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ragga ay soo qabteen ay qirteen inay yihiin Al-Shabaab, kuna soo tababarteen xeryo ay leedahay kooxda, si ay uga barbar dagaalamaan.

Cilmi Cabdulle Cali oo hadalkiisa sii wata ayaa shaaca ka qaaday in raggaan ay ku wareejiyeen ciidamada dowladda, si loogu gudbiyo hay’adaha ku shaqada leh.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in howlgallada ay ka sii wadaan miyiga gobolka Shabeelaha Dhexe, si ay uga sifeeyaan haraadiga maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab.

Ma jiro wax warbixin ah oo kasoo baxay Alshabaab

Dhinaca kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay kooxda oo ku aadan raggaasi laga qabtay, sida ay shaaciyeen ciidanka deegaanka ee ka howlgala HirShabelle.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa qaybo badan oo ka mid ah gobolka.

Doorka Shabeelaha Dhexe ee la dagaalanka Alshabaab.

Shabeelaha Dhexe ayaa kamid ah meelaha lagu jabiyay Shabaab, waxaana weli howlgalka uu ka socdaa xadka uu gobolkan laga wadaago Galgaduud oo ka tirsan Galmudug.

Post a Comment

0 Comments