Wararkii ugu dambeeyay xiisad dagaal ee Garoowe.

Wararkii ugu dambeeyay xiisad dagaal ee Garoowe iyo kulanka Taliyeyasha ugu sarreeya

Saraakiisha ugu saraysa Puntland oo shir qarsoodi ah yeelanaya.

Saraakiisha Ugu sarraysa Ciidamada dowladda Puntland iyo Taliyaha ugu sarreeya Ciidamada Mucaaridka ayaa maanta shir qarsoodi ah ku yeelanaya goob aan la cayimin.

Taliyaasha Ciidamada Daraawiishta iyo Booliska Puntland S/Guuto Aadan Cabdi Xaashi iyo S/Guuto Muumin Cabdi Shire ayaa shirkaasi la yeelan doona Taliyaha Ciidanka Mucaaridka S/Guuto Jimcaale Jaamac Takar.

Shirkan ayaa lagu xasilinaya xiisadda ku saabsan arrimaha doorashada

Ilo wareedyo dhanka Amniga ah ayaa xaqiijinaya in Shirka labada dhinac lagu xallinayo xiisadda ku saabsan arrimaha doorashada ee weli ka taagan magaalada Garoowe.

Wararka ayaa intaas ku daraya in dhawaan la kala qaadi doono ciidamada dowladda iyo kuwa Mucaaridka ee isku horfadhiya caasimadda Garoowe.

Post a Comment

0 Comments