30 Al-Shabaab ah oo lagu dilay weerar ka dhacay deegaanka Jilib Marka.

Ciidanka xoogga iyo kuwa Caalami ah oo howlgal qorsheysan saakay ka fuliyay Jilib Marka

Wararka ka imanaya gobolka Shabeelaha Hoose

Ciidanka xoogga dalka Somaliya oo garab ka helaya kuwa caalami ah ayaa saakay howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanka Jilib Marka ee gobolka Shabeelaha Hoose, halkaas oo la sheegay in ay ku sugnaayeen dagaallamayaal katirsan Al Shabaab.

Telefishinka dowladda ayaa baahiyay in hawlgalka oo saakay waaberigii bilawday ciidamada huwanta ah ku bartilmaameedsadeen goob ay isku diyaarinayeen xubno katirsan Al Shabaab , kuwaa oo la sheegay in ciidanka xogtooda heleen kuna beegsadeen goobtaasi.

Saraakiisha dawladda oo la hadlay warbaahinta

Saraakiisha hoggaamineysa ciidanka dowladda ayaa u sheegay warbaahinta afka dowladda ku hadasha in howlgalka oo saacado badan qaatay lagu dilay in ka badan 30-xubnood oo katirsan AlShabaab, kuwaa ay ku jiraan saraakiil sar sare.

Deegaanka howlgalka saakay laga fuliyay ee Jilib Marka ayaa hoostaga magaalada Marka ee caasimadda gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana deegaankan la sheegay in muddooyinkii dambe isku aruursanayeen Al Shabaab.

Post a Comment

0 Comments