Saldhig muhiim u ahaa Al-Shabaab oo la bur-buriyay iyo dagaal culus oo socda

Saldhig muhiim u ahaa Al-Shabaab oo la bur-buriyay iyo dagaal culus oo socda

Saldhig muhiim u ahaa Al-Shabaab oo la bur-buriyay

Saldhigii ugu waynaa kooxda Al-Shabaab ee deegaanka Cali Yabaal ayaa goordhoweyd la bur-buriyay, waxaana hadda socda dagaal culus.

Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa dib u xoreeynta deegaanka ayaa weerar dhowr jiho ah ku qaaday saldhigaasi oo kooxda ay ku laheyd dhul howd ah oo u dhaw deegaanka Cali Yabaal oo hoostaga degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.

Dagaal culus oo ka socda deegaanka Cali Yabaal

Dagaal xoogan ayaa ka socda deegaanka Cali Yabaal waxaana ciidamada xoogga dalka iyo kuwa shacabka hubeysan ay si rasmi ah gacanta ugu dhigeen goobihii Shabaab-ka saldhiga u ahaa, sida ay ku warameyso warbaahinta dowladda.

Saraakiisha ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in dagaalka uu billowday saaka aroortii uuna ilaa iyo hadda socdo.

“Waxaa Khawaarijta lagu gaarsiiyay jab xooggan,” ayey warbaahinta dowladda u sheegeen saraakiisha ciidamada xoogga dalka iyo kuwa dib u xoreynta deegaanka.

Dagaal-yahaanada Shabaab ayaa la sheegay inay isku dayeen difaacashada saldhigaasi oo muhiim u ahaa, balse ugu dambeyntii laga xoog badiyay, ayada oo hadda xabadu kasii dhaceyso dhulka howdka ah ee u dhaxeeya Cali Yabaal iyo Cowswayne.

Hawlgalada ka socda gobolka Galgaduud.

Howl-galkaan ayaa qeyb ka ah howl-gallo ay ciidamada xoogga dalka iyo kuwa shacabka hubeysan ay muddooyinkii dambe ka wadeen gobolka Galgaduud, kuwaasi oo lagu baadi-goobayay xubnaha kooxda ee ku dhuumaaleysanaya dhulka howdka ah.

Post a Comment

0 Comments