Al-Shabaab oo weerar dil iyo afduub ah ka geystay inta u dhaxeysa Xamar iyo Jowhar

Al-Shabaab oo weerar dil iyo afduub ah ka geystay inta u dhaxeysa Xamar iyo Jowhar

Al-Shabaab oo weerar dil iyo afduub ah geystay

Faahfaahino dheeraad ah ayaa laga helayaa weerar jid-gal oo kooxda Al-Shabaab ay maanta ka geysatay inta u dhaxeysa magaalooyinka Balcad iyo Jowhar ee gobolka Sh.Dhexe.

Dagaalamayaal ka tirsan kooxda ayaa jidka u galay gaari Qaad sidat oo ka soo baxay Jowhar una socday Balcad, waxaana weerarkaas ka dhashay khasaare culus oo fan iyo maalba leh.

Khasaaraha ka dhashay weerarkan

Ugu yaraan toddoba qof ayaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday weerarkaas dad kale oo tiradooda rasmiga ah aan weli la xaqiijina nolosha ayey ku wadatay kooxda Al-Shabaab.

Dad la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in gaariga jidka loo galay oo noociisu uu ahaa Caasi ama Home ay Al-Shabaab ku gubeen wadada dhexdeeda, iyagoo dadkii saaraa ka dhigay mid dhintay, mid dhaawac ah iyo kuwo ay nolosha ku wateen.

Kooxda ayaa dadkii ay afduubatay la aaday dhulka howdka ah, wuxuuna weerarkaasi ka dhacay inta u dhaxeysa deegaanada Qalimow iyo Ceelka-geelow.

Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in gaariga oo xawaare sare ku socda ay kooxda Al-Shabaab oo jidka ku jirtay ay ku fureen rasaas sababtay in gaariga uu iskiis u istaago, kadib markii darawalkii gaariga uu ka mid noqday dadka ku geeriyooday rasaasta.

Ilaa hadda ma jirto cid shaacisay khasaaraha rasmiga ah ee weerarkaas ka dhashay, tirada dadka la beegsaday inta dhimatay iyo inta nolosha lagu watay toona.

Sidoo kale masuuliyiinta maamulka HirShabeelle weli kama aysan hadlin weerarkii ay maanta Shabaab ka geysteen, inta u dhaxeysa Jowhar iyo Balcad.

Sida uu ahaa amniga wadadan sanadkii lasoo dhaafay

Tan iyo markii ay sanad ka hor dowladda Somaliya dagaal culus ku qaaday kooxda Al-Shabaab, waxaa hagaagsanaa amniga wadada muhiimka ah ee xiriirisa Muqdisho iyo Jowhar, waxaana aad u yaraaday cabsidii dadka iyo weeraradii dadka badan lagu leyn jiray ee kooxdu ka geysa jirtay wadadaas.

Hadda waxaa dib u soo laabtay beegsigii kooxda Al-Shabaab ay ka geysan jirtay inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Jowhar, cabsi badan ayaana soo wajahday shacabka adeegsada wadada xiriirisa magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar.

Post a Comment

0 Comments