Nageeye oo caawa shaaciyey sababtii uu ugu biiray kooxda Al-Shabaab

Nageeye oo caawa shaaciyey sababtii uu ugu biiray kooxda Al-Shabaab

Waraysi uu bixiyay abwaan Nageeye.

Nageeye Cali Khaliif oo 100 maalmood ka hor u goostay kooxda Al-Shabaab ayaa bixiyey wareysigii ugu horeeyey, isagoo soo bandhigay xogo badan oo ku saabsan sababta uu ugu biiray argagixisada.

Nageeye ayaa sheegay in rabitaankiisa uu ugu biiray kooxda Al-Shabaab, isla markaana ay ka go’antahay inuu xaqiijiyo hadafkiisa.

Sababta uu ugu biiray shabaab.

Waxaa la weydiiyey sababta uu ugu biiray kooxda Al-Shabaab, balse isagoo aan toos uga jawaabin su’aashaas ayuu sheegay in markii hore uu xalka Soomaaliya ka soo raadiyey Xamar, markii ay waxaba u suutageli waayeena uu ku soo biiray Al-Shabaab.

Isla su’aashaas isagoo ka jawaabaya Nageeye wuxuu sheegay in Soomaaliya la kala jarjaray, isla markaana ay u baahan tahay in la badbaadiyo, taas oo ku kaliftay inuu ku soo biiro argagixisada.

Nageeye intii uu waday wareysigaan wuxuu sheegay in diyaarad ay dul-dhawaaqeyso, isagoo sheegay in danteeda ay wadato diyaaradaas ee dan Soomaaliyeed aysan ka shaqeyneyn.

Waxaa la weydiiyey wixii uu dareemay markii dadka Soomaaliyeed ay ku baraarugeen inuu ku biiray Al-Shabaab oo masuuliyiin ka tirsan dowladda ay ka hadleen, wuxuuna ku jawaabay in mabda’ ay ku kala tageen isaga iyo dadkii uu kula noolaa jiray Muqdisho.

Waayihiisa nolosha oo inta ugu badan uu ku soo qaatay Hargeysa

Nageeye ayaa ka sheekeeyey waayihiisii nolosha oo inta ugu badan uu ku soo qaatay Hargeysa, sidoo kale markii uu yimid Muqdisho wuxuu sheegay inuu ku biiray Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed oo kuliyadda saxaafadda uu ka dhigi jiray.

Ninkaan oo 100 maalmood kasii maqan Muqdisho ayaa is bedelay muuqaal ahaan, timo weyn ayuu deystay, wuxuuna wareysigaan ku muujiyey sida uu ugu qanacsan yahay noloshaan adag ee uu doortay.

Post a Comment

0 Comments