AL-SHABAAB oo shaacisay inay gacanta ku dhigtay diyaarad Drone ah

AL-SHABAAB oo shaacisay inay gacanta ku dhigtay diyaarad Drone ah

Warbixin kasoo baxday kooxda Alshabaab.

Kooxda Al-Shabaab ayaa maanta gacanta ku dhigtay diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn, sida ay ku sheegtay qoraal ay soo saartay kooxda.

Al-Shabaab ayaa shaaca ka qaaday in diyaaraddan oo ah kuwa yar-yarka ah ay basaaseysay goobaha ay joogaan, balse ay qabteen, sida ay hadalka u dhigtay.

Ma shaacin kooxdu, sida ay gacanta ugu dhigeen diyaaradda oo ah kuwa qumaatiga u kaca iyo halka ay ku qabteen.

Diyaarada ayaa waxaa soo saartay Textron Systems oo ah shirkad fadhigeedu yahay dalka Mareykanka, sida ay muujiyaan sawiro ay baahisay kooxda Al-Shabaab.

Droneka waxa leh ciidamada Maraykanka 

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in diyaaraddaas ay leeyihiin ciidanka Mareykanka ee ku sugan gudaha Somaliya, kuwaas oo inta badan fuliya duqeymo ka dhan ah Al-Shabaab.

Hore Al-Shabaab ayaa sidan oo kale gacanta ugu dhigay diyaarado milatari iyo kuwa kale oo ku dhacay deegaanadooda, kadib markii ay ku yimadeen cilado sababay inay soo dhacaan.

Diyaarado hore ugu gacan galay Alshabaab

Shilkii ugu dambeeyay ayaa dhacay bishii January ee sanadkan ka gadaal markii Al-Shabaab ay gacanta ku dhigeen diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah oo ay leedahay Qaramada Midoobay, taasi oo ay la socdeen shaqaale Soomaali iyo Ajaanib ah, waxaya ku degtay deegaan ay maamusho kooxda Al-Shabaab.

Sida ay QM oo lahayd diyaaradaasi sheegtay waxaa ku timid cilad, xilli ay kasoo duushay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, waxayna ku dhacday agagaarka tuulada Xiindheere ee gobolka Galguduud.

Post a Comment

0 Comments