Somaliya oo gaartay guul kale oo aad u weyn

Somaliya oo mar kale guul ka gaartay barnaamijka dayn cafinta

Somaliya oo mar kale guul ka gaartay barnaamijka dayn cafinta

Dowladda federaalka Somaliya ayaa mar kale guul wayn ka gaartay barnaamijka dayn cafinta, kadib markii Naadiga Paris uu cafiyay 99% daynmihii uu ku lahaa Soomaaliya,  taas oo ah tallaabo muhiim ah oo laga gaaray dadaallada ay dowladda federaalka ku dooneyso inay dib ugu biirto nidaamka maaliyadeed ee caalamka.

Magaaladda Paris ee dalka Faransiiska,ayaa waxaa ku sugan wafti uu horkacyo wasiirka maaliyada Somaliya  iyadoo halkaas lagu soo gebagebayay wada xaajood wakhti dheer qaatay oo ay la yeelanay waddamada ku middoobay naadiga Paris ( Paris club) oo ku lahaa Somaliya lacag ka badan 3.1 billion oo doolar, iyada oo laga duulayo isafgaradka laga gaadhay wada xaajoodka ayaa waxa toban ka waddan ee ku bahoobay Naadiga Paris ay kala saxeexdeen heshiis lagu dhaafayo dentii ay Somaliya ku lahaayeen.

Naadiga Paris Club oo cafiyaya lacag dhan 1.2 bilyan oo dollar.

Tallaabadan ayaa waxay ka dhigantahay in Naadiga Paris Club ay u dhaafeen xaddi deyn oo ah in ay ka cafinayaan lacag dhan 1.2 bilyan oo dollar, taas oo ka badan intii ku waajibka ku ahayd hannaanka dayn cafiska (beyond HIPC debt relief) ee loo yaqaan HIPC.Si loo sugo dhammaystirka hannaankan.

Qorshahan ayaa waxaa sii xigi doona heshiisyo gaar gaar ah oo dal kasta lala gali doono, si ay si rasmi ah daynta uga masaxaan buugaagtooda.

Waxay tani marag ka tahay horusocodka joogtada ah ee dadka iyo Dawladda Soomaaliyeed ay ka samaynayaan dawladnimada dhiska, koboca dhaqaalaha iyo maamul wanaaga.

Wasiir maaliyada Somaliya oo ka hadlay dayn cafinta

“Waxaan ku boggaadinayaa dalaka daynta inaga dhaafay deeqsinimadooda iyo garab istaagooda” ayuu yiri Biixi Imaan Cige oo ah Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu raaciyay “Waxaan joogna magaaladda Paris ee dalka Faransiiska oo aan kaga qeyb galayno  wadda xaajood aad u ballaaran oo aan la yeelanayno naadiga Paris Club oo ay ku midaysan yihiin 10-ka dal ee deymaha ugu badan nagu lahaa, Somaliya waxay soo martay geedi dheer oo  ahaa hanaan dib u dhis iyo qaabeyn hay’daha dowladda ah”.

Bishii Diseenbar ee sanadkii la soo dhafay 2023, waxaa Hay’ada Lacagta ee IMF  iyo bangiga Aduunka ay ku dhawaaqeen in ay Soomaaliya soo buuxisay sharuudaha deyn cafinta si ay u hesho deyn cafin dhameystiren, intaas ka dib waxaa waajib noqtay in aan wadda xaajood la bilowno dalalkii deymaha nagu lahaa oo ay mudnaanta lahayeen naadiga Paris Club.

Wada-hadal wakhti dheer qaatay waxaan  ku guuleysanay in aan ku qancino dalalka naadiga in ay gabi ahaan naga cafiyaan deynta ay nagu laheyeen oo runtii ka baxsan intii waajibka loogu lahaa deyn cafiska,waan uga mahadcelinayna sidaa ay noola qaateen deyn cafinta” ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Biixi Iimaan Cige.

Post a Comment

0 Comments