Dowladda oo soo bandhigtay muuqaalka raggii qarxiyey Suuqa Bakaaraha

Hey’adaha NISA oo soo bandhigtay sawirrada rag dad ku laayey Muqdisho

Wararka ka imanaya caasimada Muqdisho

Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed ayaa baahiyay muuqaal Documentary ah oo ku saabsan qaraxyadii is xig-xigay ee 6-dii bishii Febraayo ee sanakan ka dhacay gudaha suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, kuwaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac.

Kaamirooyinka qarsoon ee CCTV ayaa laga helay muuqaalada sida ay u dhaceen qaraxyadaas iyo raggii fuliyay oo toos looga arki karo muqaalada la baahiyay.

Warbixin dhamastiran oo uu baahiyay SNTV

Warbixin dhameystiran oo caawa uu baahiyey SNTV ayaa lagu sheegay in qaraxyadan boorsooyin looga keenay Ceelasha Biyaha, kadibna lagu beesaday Bakaaraha, iyadoo xubnaha geeyey loogu dhiibay gudaha Masjidka Abuuhureyra.

Muuqaalka waxaa laga arki karaa rag wada boorsooyin oo iska dhigaya inay wax iibsanayaan oo qaraxyada dhigaya gudaha tukaamada la bartilmaameedsaday.

Sidoo kale waxaa Kaamirooyinka laga arkayaa nin taagan banaanka, isla markaana toos Romuud ugu qarxinaya miinooyinka la dhigay tukaamada lagu dhex laayey shacabka.

Goobaha la qarxiyay ee boorsooyinka la dhigay waxaa kamid ah xarumaha Bedar, Kaamil, Sanguuni, Waayo Arag iyo dhismo qabyo ah oo ku yaalla gudaha suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Warbixintaan waxaa ka soo muuqanaya qaar ka mid ah raggii keenay qaraxyada oo lasoo qabtay, kuwaas oo sharaxaya sidii ay qaraxyadaas ku keeneen Meesha iyo dhagarta ay u maleegeen shacabkii lagu laayey suuqa Bakaaraha.

Wasiiro Falanqaynaya Warbixintaan 

Wasiir Al-Cadaala, Sheekh Cabdiqani Qorane, Sheekh Bashiir Axmed Salaad, Sheekh Cali Wajiid, Wasiir ku xigeenka diinta Sheekh Saalax iyo xubno kale ayaa ka soo muuqanaya warbixintaan, kuwaas oo falanqeynaya sida ay Shabaab u dhagreen.

Post a Comment

0 Comments