Al-Shabaab iyo ciidamada Itoobiya oo dagaal culus uu ku dhex-maray gobolka Bakool

Al-Shabaab iyo ciidamada Itoobiya oo dagaal culus uu ku dhex-maray gobolka Bakool

Wararka ka imanaya gobolka Bakool 

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal qaraar oo saaka ka dhacay degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool ee koonfurta Somaliya.

Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu u dhexeeyay Al-Shabaab iyo ciidamada Itoobiya ee ku sugan halkaasi, waxayna xaaladdu tahay mid cakiran.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in dagaalka uu yimid, kadib markii xoogag Al-Shabaab ay weerar ku billowday madaafiic ku qaadeen saldhig ay leeyihiin ciidanka Itoobiya, waxaana kadib sidaas ku qarxay dagaal foolka fool ah.

Dagaalka oo saacad ka badan qaatay ayaa la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, mana cadda khasaaraha rasmiga ah ee soo kala gaaray labada dhinac.

Al-Shabaab oo war kaso saartay dagaalkan

Al-Shabaab oo war kaso saartay dagaalkan iyo weerarka ka horreeyay ayaa guul sheegatay, waxayna sheegtay in khasaare lixaadleh ay u gaysatay ciidanka Itoobiya.

Dhankooda saraakiil u hadashay ciidanka la weeraray ee ku sugan magaalada Xudur ayaa sheegay inay iska difaaceen weerarka lagu qaaday, isla markaana haatan ay howlgallo amni xaqiijin ah ka waday aagga lagu dagaalamay.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana dib u laabtay maleeshiyaadkii kooxda Al-Shabaab ee weerarka ku qaadan saldhigga ciidanka Itoobiya ee ku yaalla degmada Xudur.

Awood ay shabaab ku leedahay Bakool

Bakool ayaa kamid ah meelaha ay ku xoogan tahay kooxda Al-Shabaab, waxaana sidoo kale kus ugan ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya ee qaybta ka ah howlgalka ATMIS.

Post a Comment

0 Comments