DF oo shaacisay arrin yaableh oo dagaalka socda uu ku qasbay madaxda Al-Shabaab

DF oo shaacisay arrin yaableh oo dagaalka socda uu ku qasbay madaxda Al-Shabaab

Xog ku saabsan Alshabaab.

Dowladda federaalka Somaliya ayaa shaacisay in madaxda sare ee kooxda Al-Shabaab ay wajahayaan culeyskii u weynaa iyo xaalad quus ah, islamarkaana uu dagaalka socda uu gaarsiiyay inay ku fikiraan in ay iskaga baxaan dalka.

Inkasta oo si madax banaan loo xaqiijin karin baaxada xaaladda quusta ah ee dowladda sheegtay, haddana waxaa marag ma doon ah in kooxda ay bilihii u dambeeyay iyo tan iyo markii uu bilowday gulufka ka dhanka ah ay wajaheyso culeys aysan weligeed arkin.

La-taliyaha Amniga Qaranka oo warbaahinta la hadlay

La-taliyaha Amniga Qaranka madaxweynaha Somaliya Xuseen Macalin oo warbaahinta dowladda la hadlay ayaa ku dheeraaday guulaha laga gaaray dagaalka Al-Shabaab, oo qeyb ka ah guulaha ay dowladda Xasan Sheekh ku faaneyso labada sano ee tegtay.

Xuseen ayaa sheegay in dowladda uu madaxweynaha ka yahay Xasan Sheekh oo haatan laba sano u buuxsantay ay wax badan oo muuqda ka qabatay dhanka amniga guud ee dalka.

“Madaxda Al-Shabaab hadda waxay marayaan heer ay ku fakarayaan in dalka isaga cararan ama is-dhiibaan, taasi waana waa wax ay horseed u noqotay dowladda, iyada oo kaashaneysa shacabkeeda,” ayuu yiri La-taliye madaxweynaha Xuseen Macalin.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in howl-gallada kooxda ka dhanka ah ee ka socda gobollada dalka iyo qorshaha amni ee caasimada uu wax weyn ka taray xasiloonida Muqdisho oo markii hore dhibane u aheyd kooxda.

“Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh dhanka amniga dalka wax weyn ayuu ka qabtay tan iyo markii uu yimid, waxaana cadeyn noogu filan in (Shabaab) daafaha Muqdisho weerarada ka soo qaadi jiray oo gudaha Muqdisho ka fulin jiray howl-gallada ay dadka ku dhibaateyn jireen in haatan mar hore meesha laga saaray oo hadda dowladdu gacanta ku hayso dhul baaxad leh oo Khawaarijta ka talin jirtay.”

Waxa uu intaas kusii daray “Laga bilaabo Balcad illaa gobolada dhexe dhanla Waqooyi waa xor oo cabsi ah maleh oo qof walba ayaa baabuurkiisa safar dhulka ah ku tagi kara.”

Faaiidooyinka laga dhaxlay la dagaalanka Alshabaab

Howl-gallada dagaal ee ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa bilowgii hore keenay natiijo wax ku ool ah iyo in kooxda laga fara-maroojiyo dhul baaxad leh oo sanado badan ay ka talinayeen, inkasta oo bilihii lasoo dhaafay uu hoos u dhacay gulufka, haddana waxaa socda qorshe dhiig cusub lagu shubayo si ay dowladda usii xajisato libinta dagaalkan.

Post a Comment

0 Comments