Xisbiga Talo ku nool oo hanjabaad culus ka soo saaray xarigga Taakeeye

Xisbiga Talo ku nool oo hanjabaad culus ka soo saaray xarigga Taakeeye

Wararka ka imanaya Muqdisho

Waxaa muddo saddex toddobaad ah Muqdisho ku xiran Sufyaan Taakeeye, waxaana hadda xarigiisa ka hadlay xubno sheegay inay ka tirsan yihiin xisbigiisa ‘Talo ku nool’.

Nin sheegtay Afhayeenka Xisbiga Talo ku nool oo la hadlaywarbaahinta ayaa sheegay in xubnaha xisbiga ay gaarayaan 12-kun oo qof, isla markaana ay bilaabayaan mudaharaadyo waaweyn.

Ninka u hadlay Xisbiga Sufyaan ayaa sheegay in berri ay bilaabayaan dibadbaxyadaas, isla markaana ay wadi doonaan ilaa inta laga soo deynayo hoggaamiyahooda.

Sida loo qabtay Sufyaan iyo Sababta 

Sufyaan ayaa laga qabtay Hotel Xayaat oo ku yaalla aagga KM4, seddax toddobaad ka hor, weliba goor habeen ah, sida uu wareysigaan ku sheegay Afhayeenka xisbigiisa Talo-ku-nool.

Ninkaan oo markii hore laga soo qabtay magaalada Nairobi ayaa muddo ku xirnaa Muqdisho, waxaana bil ka hor la hor geeyey maxkamadda ciidamada.

Xiligaas Sufyaan waxaa lagu xukumay labo sano oo (ilnku heyn ah) oo micnaheedu yahay in lala soconayo dhaqdhaqaaqiisa, iyadoo loo yeeri karo markii loo baahdo, sidoo kale waxaa lagu amrayaa in toddobaadkiiba mar uu iska soo diiwaan geliyo xarunta CID.

Sufyaan ayaa markii xabsiga laga sii daayey bilaabay inuu bixiyo wareysiyo xasaasi ah, isagoo muujiyey in xagjirnimadii uusan ka tanaasulin, sidoo kale wuxuu Muqdisho ka sii watay ololihiisii xisbiga Talo ku nool.

Hore wuxuu u dhaliilay dawladda Xassan sheekh

Ninkaan ayaa markii uu Nairobi joogay sheegay in Shabaab iyo dowladda Soomaaliya aysan waxaba is dhaamin ama ku kala duwaneyn ayaa is debciyey markii la keenay Muqdisho, balse wuxuu tuus u sii watay ololaha xisbigiisa.

Post a Comment

0 Comments