DF oo ciidamadii ugu badnaa u dirtay degmo laga bixin waayay Al-Shabaab

DF oo ciidamadii ugu badnaa u dirtay degmo laga bixin waayay Al-Shabaab

Wararka ka imanaga Shabeelaha Dhexe

Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in maanta ciidamadii ugu badnaa oo ka baxay magaalada Muqdisho ay gaareen gobolka Shabeelaha Dhexe, gaar ahaan difaaca hore ee loo dhigay Al-Shabaab.

Ciidamadan oo wata gaadiidka dagaalka ayaa gaaray deegaano hoostaga degmada Ruun-nirgood, halkaas oo uu ka socdo dagaal ka dhan ah maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Ujeedka ciidamadan ay dirtay Dowladdu

Ujeedka ciidamadan oo ay dirtay dowladda Somaliya ayaa ah inay xoreeeyaan degmada Ruun-nirgood oo muddo dheer laga saari la’yahay kooxda Al-Shabaab oo weli ku xoogan xadka u dhexeeya gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Sarkaal ka tirsan milatariga Soomaaliya oo wareysi gaar ah siiyay Idaacadda Kulmiye ayaa ka warbixiyay howlgalladooda, wuxuuna sheegay inay kaabiga ku hayaan degmada Ruun-nirgood, ayna sugayaan amarka madaxda sare, si ay gudaha ugu galaan.

“Ciidan aad u xoog badan ayaa joogo, laakiin weli gudaha looma gelin degmada, waxaana la yiri illaa amar guud oo ka yimaada taliyaha Xoogga iyo madaxweynaha yaan la gelin” ayuu yiri mid kamid ah saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in Al-Shabaab intooda badan ay ka baxeen gudaha degmada, maadaama ay ka war heleen gulufka kusoo wajahan iyo ciidamada gaaray halkaasi.

Dadka deegaanka oo walaac muujiyay

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana dadka deegaanka ay cabsi ka muujinayaan inuu dagaal ka qarxo aagga degmada Ruun-nirgood oo ay hadda ka socdaan dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo.

Shabeelaha Dhexe ayaa kamid ah meelaha lagu jabiyay Al-Shabaab, wajigii koowaad ee dagaalka, waxaana looga qabsaday dhul ballaaran oo ay kamid tahay degmada qadiimiga ah ee Aadan Yabaal.

Post a Comment

0 Comments