Somalia oo laga cafiyay deyn sanado lagu lahaa

Somalia oo laga cafiyay deyn sanado lagu lahaa

Somalia oo laga cafiyay deyn

Soomaaliya ayaa maanta laga cafiyay deyntii ururka Midowga Boostada Adduunka (UPU), kadib wada-hadallo ka dhacay magaalada Berne ee waddanka Switzerland.

Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada XFS Xildhibaan Maxamed Aadan Macalin Cali (Soomaali) ayaa Berne kulan gaar ah kula yeeshay Mr.Masahiko Metoki Agaasimaha Guud ee Midowga Boostada Adduunka (UPU) oo halkaas xaruntooda ah.

Socdaalka Wasiirka ayaa ahaa in Somaliya laga cafiyo deynta lagu lahaa oo ku dhow 2 milyan oo doolarka Mareykanka ah oo isugu jirta qaaraanka xubinimada oo dhan Hal Milyan doolar iyo dulsaar aruurey ayaa ka soo billaabatay Sebtember 1982-kii illaa 2018-kii.

Soomaaliya ayaa maanta laga cafiyay deyntii ururka Midowga Boostada Adduunka (UPU), kadib wada-hadallo ka dhacay magaalada Berne ee waddanka Switzerland.

Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada XFS Xildhibaan Maxamed Aadan Macalin Cali (Soomaali) ayaa Berne kulan gaar ah kula yeeshay Mr.Masahiko Metoki Agaasimaha Guud ee Midowga Boostada Adduunka (UPU) oo halkaas xaruntooda ah.

Socdaalka Wasiirka ayaa ahaa in Soomaaliya laga cafiyo deynta lagu lahaa oo ku dhow 2 milyan oo doolarka Mareykanka ah oo isugu jirta qaaraanka xubinimada oo dhan Hal Milyan doolar iyo dulsaar aruurey ayaa ka soo billaabatay Sebtember 1982-kii illaa 2018-kii.

Wasiirka oo umahad-celiyay UPU 

Ugu dambeyntiina wasiirka ayaa uga mahad-celiyay UPU taageeradii kala duwaneyd ee ay siisay Soomaaliya sanadihii la soo dhaafay, kuwaas oo ay ka mid ahayd inay fududeysay in boostadu ay dalka timaaddo.

Inkasta oo ay xayiraad dalkeena ka saaran tahay in aan dalka dibeddiisa wax u dirno iyadoo wasaaraddu ku hoolantahay in la dhameestiro Qorshahaas.

Post a Comment

0 Comments