Neymar Junior oo ka fiirsanaya in uu xagaagan iskaga tago PSG

 

Neymar ayaa ku loolamaya Paris Saint-Germain

Xiddiga reer Brazil ee Neymar Junior ayaa ka fiirsanaya in uu xagaagan iskaga tago PSG kaddib shan sannadood oo uu u ciyaaray, waxaana sababta lagu sheegay inuu dareensan yahay in si gaar ah uu u colaadinayo madaxweynaha kooxdaas ee Nasser Al-Khelaifi.

30 jirkan ayaa tegay kooxda ka dhisan caasimadda Faransiiska ee PSG sannadkii 2017, iyada oo Barcelona kaga soo iibsatay lacagtii ugu badnayd ee abid ciyaartoy lagu iibsado 222 milyan oo Euro taas oo illaa hadda aanay jirin ciyaartoy xataa usoo dhow.

Afar ka mid ah shantii sannadood ee uu joogay PSG ayuu kula guuleystay horyaalka Ligue 1 iyo koobab kale oo maxalli ah, hase yeeshee waxa uu ku guul-darraystay in uu ka caawiyo Champions League oo inkasta oo ay finalka yimaaddeen sannadkii 2020 aanay haddana illaa hadda ku guuleysanin.

Laacibkan oo sannadkii mushahar ahaan u qaata lacag ka  badan £24 milyan oo Gini, ayaa waxa la sheegay in aanay isku fiicnayn Nasser Al Khelaifi oo uu ka tirsanayo inuu si gaar ah isaga ugu canaanayo guul-darrooyinkii Champions League ee xilli ciyaareedkii tegay, iyadoo Madaxweynuhu uu dhowaan uu bixiyey qish ah inay suurtogal tahay inay laacibkan ku daraan liiska ciyaartoyda ay ka dirayaan Parc des Princes.

Nasser Al Khelaifi oo u warramayay wargeyska Le Parisien ayaa yidhi: “Miyey suurtogal tahay inuu Neymar baxo xagaagan? Waxa kaliya oo aan idiin sheegi karayaa in aanu rajaynayo inay ciyaartooyo ka badan intii xagaagii hore ay tegayaan. Way badan yihiin ciyaartoyda tegaysaa.

“Waa in ay dhamaantood 100% boqdaan, wayna iska caddahay in aanay shaqo ku filan qabanin. Xilli ciyaareedka dambe, ujeeddadayadu way caddahay: in maalin walba la shaqeeyo 200%. In wax walba loo huro shaadhkan, in guulo badan loo keeno, waanaynu arki doonaa natiijada.”

 

Post a Comment

0 Comments