Xeer ilaaliyaha qaranka oo arin culus wax ka weydiinaya wasiir beyle

 

farmaajo & beyle



Wasiirka Maaliyadda dawladii hore ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Bayleayaa looga yeeray xafiiska xeer ilaalinta si uu u baaro ugana jawaabo “dambiyada la xiriira arrimaha maaliyadda iyo dhaqaalaha dalka oo ay gashey dawladii uu hogaaminaayey kaligii taliye farmaajo

U yeerista Wasiirka Maaliyadda ayaa ku soo beegantay maalmo kadib markii ay soo baxeen warar iyo hadallo loo aaneynayo Wasiirka Maaliyadda in dowladdii hore ee uu hoggaamiyo Farmaajo ay lacago badan ku reebtay Qasnada dalka, balse Wasiirka Maaliyadda ayaa markii dambe warsaxaafadeed uu soo saaray ku beeniyay warkaas, wuxuuna xaqiijiyay. in dawladiisa aysan ka tagin waxa lacag ah

Qaswade Farmaajo iyo taageerayaashiisa dowladii hore ayaa marar badan lagu soo cadeeyey musuq maasuqooda, waxaana ugu dambeeyay heshiis caalami ah oo uu saxiixay Wasiirka Shidaalka oo uu Farmaajo ogaa, iyadoo aan loo jeedin xukuumadda iyo baarlamaanka

Dhenacakale kaligii taliye Farmaajo ayaan weli ka jawaabin warbixintii hanti-dhowrka maaliyadda ee lagu xaqiijiyay in 52 milyan oo dollar looga saaray khasnada dowladda qaab musuq-masuqa, taasoo uu amray Farmaajo intii uu talada hayay.

Xukuumadda cusub ee HSM, ma jiri doonto meel musuq-maasuq iyo ku-takri-fal ah mar kale lagu sameeyo, balse si run ah loo eego, Madaxweynihii hore Farmaajo waa in la baaro oo lagu maxkamadeeyaa musuq-maasuqii maaliyadeed iyo maamul ee uu ku sifoobay xukunkiisa 5-tii sano ee la soo dhaafay. .

Maxkamadeynta Farmaajo iyo xubnaha la shaqeeya ee musuq-maasuqa iyo lunsashada hantida Qaranka ayaa ah mid aan laga fursaneyn, iyadoo Xukuumaddii hore lagu helay arrimo badan oo musuq maasuq ah, oo ay ugu dambeysay saxiixii heshiiska Shidaalka oo uu Farmaajo wax ka og yahay, iyadoo aan loo wada jeedin.

 





Post a Comment

0 Comments