Xildhibaan metelaya Ikraan Tahliil oo dalbadey in maxkamad la soo taago maska somaaliya fahad yasiin

 

fahad yasiin

Maska somaliya Fahad yaasiin ayaa bilaabey isku day ah  inuu dusha ka saaro dembiyadii uu galay shantii sano ee la soo dhaafay agaasimaha cusub ee NISA Mahad Salaad wuxuuna dusha ka saaray dilkii Ikraan Tahliil sababtoo ah

wuxuu ogyahay in Mahad Salaad uu furi doono galka dambiyada NISA gashay shantii sano ee la soo dhaafay kadib markii uu qabtay xilka madaxa hay’adda taasoo horseedi doonta in dacwad lagu soo oogo Fahad Yaasiin maxkamadna la soo taago

Wreeysiga fahad yasiin ayaa ah mid lagu doonayo in lagu kicinayo shacabka somaliyeed kadib jabkii farmajo ka soo gaaray doorashadii madaxweynaha iyo waayitaankii uu waayey xubinimadii fahad Yaasiin baarlamaanka oo uu xoog ku soo qaatay kursiga beeshiisa wuxuuna isku dayayaa inuu burburiyo isku dayga madaxweyne xasan sheekh maxamuud uu ku doonayo inuu isbedel ku sameeyo dimuqraadi 

Ka dib shantii sano ee Farmajo iyo fahad dalka ay geliyeen dagaalo iyo musuq-maasuqa shacabka soomaaliyeedna ay ku noolaayeen dulmiga ragaan oo adeegsanayeen shaatiga dowladda fahad yaasiin waa dambiile ka baxsanaya cadaaladda oo isku dayaya inuu ka weeciyo dambiyada uu galay indhaha dadka si uu ugu badbaado maxkamada iyo cadaalada loo raadinaayo ikraan tahliil

Agaasimihii hore ee NISA fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo wax laga weydiiyay ciidamada Soomaaliya ee lagu tababaro dalka Eritrea ayaa sheegay inay ku saxan yihiin.

Fahad ayaa ka gaabsaday in uu sheego tirada ciidamada ay u direen Eritrea, taasi oo cadeyneysa in qaar ka mid ah askarta Soomaalida ay kaga dhinteen dagaalkii Tigreega, sidoo kalena farmaajo iyo Fahad Yaasiin ay ku xiran yihiin qarsoodi balse sharciga la horgeyn doono.

 Waxaa cadaay in Itoobiya ay adeegsatay askar ka timid Eritrea oo ay ku jireen askar Soomaali ah oo ciidamadeeda ah, taasoo lid ku ah hadalkii Fahad Yaasiin ku andacoodey in Itoobiya ay u baahneyd askar.

Dhinacakale Shir jaraa’id oo ay muqdisho ku qabteen xildhibaano si gaar ah u metelaya Ikraan Tahliil oo muddo sanad ah la weysan yahay ayaa si kulul uga hadlay sheegashada fahad yaasiin taliyihii hore ee NISA ayaa dilka ikraan ku eedeeyay rw ooble, Agaasimaha NISA mahad salaad iyo al-cadaala oo in muddo ah uu khilaaf soo kala dhex galay 

Waxaan ka codsaneynaa xildhibaanada in Fahad Yaasiin lagu soo oogo dacwadda Ikraan Tahliil iyo dambiyada kale ee uu ka galey dalka iyo umada sidha ugu dhaqsiyaha badan

 

 

Post a Comment

0 Comments