Ciidamo Baaritaan ku sameeyay dhammaan xafiisyada Ra’iisul wasaaraha.

Muqdisho

Wararka naga soo gaaraya Madaxtooyada Somaliya ayaa sheegaya in howlgal saf mar ah laga bilaabay xarumaha madaxda qaranka ay deggan yihiin kadib cabsi soo wajahday dhinaca ammaanka ah.

Dhammaan Xaafiisyada uu ka kooban yahay dhismaha deegaanka iyo Shaqada ee Ra’iisulwasaraha Somaliya Xamse Cabdi Barre ayay baaritaan kusameeyeen ciidanka ATMIS ee kasocda dawladda Uganda, iyadoo dhinaca Madaxweynaha la soo hubiyey, iyadoo loo adeegsaday Eeyaha uriya waxyaabaha qarxa iyo hubka.

Ra’iisulwasaraha ayaa amray in baaritaan looga sameeyo dhammaan xaafiisyada,qalcada Xukuumadu deggan tahay ka dib digniin isdaba joog ah oo xagga amniga ah markii ay soo baxeen shalay.

Shaqaalaha ayaa dhammaan subaxnimadii hore saaka oo isniin aheyd laga hakiyey gelida dhismaha, iyadoo laga reebay dhammaan agabyada wax duuba sida Laptop-yada iyo Mobilada.

Tan iyo jimcihii lasoo dhaafay, waxaa jiray dareen cabsi leh oo la xariira in Al Shabaab weerar argagaxiso ay isku dayayaan in ay kageystaan xarumaha dawladda, sida ay cadeynayaan ilo wareedyo xagga amniga ah.

Jimcihii waxaa sidoo kale lagu kala cararay Masjidka Shuhadaa lagu magacaabo ee ku dhex yaalla Madaxtooyada Soomaaliya iyadoo qal qal dhinaca amniga ah uu dhacay.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa soo saaray amar ah in la mamnuucay ID card-yada lagu mari karo Villa Somaliya wadada hormarta marka laga reebo Afar Xafiis aqoonsiyada ay daabacaan kuwaas oo kala ah: Xafiisyada Madaxweynaha,R/wasaaraha,Gudoonka Golaha Shacabka iyo Taliska NISA.

Post a Comment

0 Comments