Dil Lagu Khaarijiyay Sarkaal & Qaraxyo dad badan lagu laayey oo ka dhacay Kismaayo.

Magaalada Kismaayo

Sargaal katirsanaa ciidamada xoogga dalka Somaliya ayaa la sheegayaa in nin hubeysan uu toogasho ku dilay xili uu ku sugnaa Bartamaha magaalada Kismaayo. 

Marxuumka la dilay oo lagu magacaabi jiray Korneel Maxamed Buule ayaa katirsanaa ciidamada Xoogga dalka ee ka howlgala Jubbooyinka.

Dilka ayaa ka dhacay Bartamaha kismaayo, iyadoo ninka dilay sargaalkaasi wararku sheegayaan in isna goobta lagu khaarajiyey oo askar kale ay toogteen.

Marxuum Buule ayaa ahaa Abaanduulaha ciidanka xoogga dalka Qeybta 43aad ee ka howlgasha jubbada hoose, meydkiisa ayaana meesha laga qaaday.

Ciidamada amaanka kismaayo ayaa tegay goobta oo ay howlgal ka sameeyeen meesha mana jirin faah faahino kale oo laga helay dilkaasi iyo waxa sababta u ahaa.

Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda dilka sargaalkan, balse kooxda Al-shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida ayaa inta badan fuliya dilalka qorsheysan ee noocan ah.

Sidoo kale isla magaalada Kismaayo ayaa la sheegaya in qaraxyo khasaaro xoogan geystay ka dhaceen shalay salaasadii iyadoo faah faahino cusub kasoo baxayaan.

Qaraxa koobaad ayaa haleelay gaari caasi ah oo ay la socdeen dad shacab ah oo marayey meel udhaxeysa buula xaaji iyo Kismaayo aadna ugu dhaw deegaanka Cabdalla biroole.

Qaraxaasi ayaa waxaa ku dhintay 10 qof oo rayid ah, markii miino la kacday gaarigaasi oo kusii jeeday magaalada kismaayo, waxaana qaraxa labaad uu haleelay dadkii gurmadka ugu yimid dadkii dhibka ku gaaray qaraxii koobaad.

Dhaawaca ayaa gaaraya sidoo kale ay qaraxyadu waxyeeleen 10 qof kale, kuwaas oo la sheegay in loola cararay cusbitaalka magaalada kismaayo oo hadda lagu dabiibayo.

Post a Comment

0 Comments