Maxaa ka soo baxay cilmi-baaristii hurdada ee 20-ka sano socotay ?

Faaiidada hurdada

Ugu yaraan shan saacadood oo hurdo habeenkii ah ayaa keeni kara in dadka da’doodu ka weyn tahay 50 jirku ay ka badbaadaan cudurrada riiqda dheer ee dada ku dhaca sida lagu ogaaday cilmi baadhis la sameeyey.  

Hurdo xumadu waxay sidoo kale noqon kartaa saansaan muujinaysa in qofku halis ugu jiro caafimaad darro la soo derista, ayay yidhaahdeen cilmi-baadheyaashu.

Waxaa jira caddayn muujinaysa in hurdadu waxa ka tarto in jidhka iyo maskaxdu helaan nasasho fiican, laakiin waxa aan weli caddayn sababta “tirada saacadahaa cayiman” loo gooyey.

Cilmi baadhistan oo lagu daabacay majallada  PLoS Medicine waxay darsaysay caafimaadka iyo qaabka hurdada shaqaalaha dawladda ee UK.

Dhammaan dad tiradoodu ku dhawdahay 8,000 oo ka mid ah ka qaybgalayaasha ayaa la waydiiyay Inta saacadood ee ay seexdaan habeenkii celecis ahaan todobaadkiiba.

Dadkaa qaarkood ayaa xataa laga codsaday in ay hurdada u xidhaan saacado gaar ah mudadii daraasadu socotay.

Waxaana laga baadhay cudurrada  riiqda dheer oo ay ka mid yihiin macaanka, kansarka iyo cudurada ku dhaca wadnaha mudo labaatan sano ah oo cilmi baadhistu socotay.

Dadka seexanayey shan saacadood ama wax ka yar  ee da'doodu tahay 50 waxa la ogaaday in 30% khatarta cudurradaa ay ku qaadi karaan ay 30% ka badan tahay kuwa seexda todoba saacadood ee jira da'daas.

Dadka konton jirada ah ee hurdadoodu ka yarayd mudo shan saacadood ah ayaa halista ay ugu dhiman karaan cudurada riiqda dheer ay aad u korodhay.

 Guud ahaan waxay khubarada ku taliyaan ilaa toddobo ama siddeed saacadood in qofku seexdo habeenkii, sidaas oo kalena waxa cadeeyey cilmi-baadheyaal ka tirsan Jaamacadaha University College London iyo Paris Cité.

Maxaynu u seexannaa : nisyahannadu si dhab ah ugamay gun gaadhin su’aashaa, laakiin waxaa cad in  hurdadu ay  caawiso in maskaxdu ay kaydiso xusuusaha iyo shaqada habdhiska dheef shiidka. Sidoo kale hurdadu waa fursadda ay maskaxdu iskaga sifayn karto dheecaanada kiimikaad ee ka soo baxa inta ay shaqaynayso.

Dhanka kale, hurdo xumada oo  mudo dheer la caadaystaa waxay saamayn aad u taban ku yeelataa caafimaadka guud ee qofka.

Dhakhaatiirtu marmar dhif ah ayay dadka u qoraan dawada lagu seexdo maadaama aanay doonay in qofku qabatimo dawooyinkaas, waxa se jira in dhibaatada hurdo la’aanta  wax lagaga qaban karo talooyin caafimaad oo ay dhakhaatiirtu dadka siiyaan.

Post a Comment

0 Comments