Kacdoon ka dhan ah Al shabaab oo ka dhacaya Muqdisho

Kacdoon, Muqdisho

Khamiista bari waxaa Muqdisho ka dhici doono dibad bixii ugu weynaa taariikhda ee caasimadda ka dhaca, kaas oo uu ciwaankiisa yahay KACDOONKA SHACABKA, loogana soo horjeedo kooxda dhiigya cabka, arxanka daran, Khawaarijta ah ee Al Shabaab.

Dibadbaxaan ayaa lagu wadaa in ay ka qeybgalaan 50 kun oo qof, wuxuu ka dhici doonaa garoonka Eng. Yariisoow, Ex-Koonis ee degmada Cabdicasiis, kaas oo ay dadka reer Muqdisho farriintii ugu dambeysay ugu dirayaan kooxdan muddada dheer jaqeysay dhiiggooda iyo hantidooda.

Madaxweynaha JFS Xasan Shiikh Maxamuud ayaa halkaas kula hadli doono dadyowga reer Muqdisho, wuxuuna noqon doonaa bannaanbixii ugu miisaanka cuslaa taariikhda ee Muqdisho ka dhaca, xilli Golaha Wasiirrada ay halkaas soo xaadiri doonaan iyaga, agaasimkooda wasaaradaha iyo howlwadeennada dowladda qeybaheeda kala duwan.

Waa maalin taariikhi ah oo ay reer Muqdisho si isku duubni ah u dhihi doonaan "Intaan ka dib Shabaab maya", tiiyoo ay jirto in uu madaxweynaha halkaas farriin uga dhiibi doono shacabka Muqdisho, taas oo loo badinaayo in ay tahay in qof walba uu qoorta soo qabto qofka Shabaabka ah ee uu yaqaan ama ku tuhunsanyahay.

Haddaba su'aashu waxa ay tahay intee gali doonaan Khawaarijta arxanka daran ee dhiig iyo hanti miiratada ah, muddada fogna ummadda Soomaaliyeed ku cuneysay siijeedka.

Post a Comment

0 Comments