Maxay tahay heesta Shakira ay u qaadday ninkeedii hore Pique ee hadal haynta badan dhalisay ?

Shakira & pique

Hees ay qaaday Shakira oo ku saabsan khayaano u uku sameeyay saaxiibkeedii hore Gerard Pique heesta ayaa jabisay rikoorada daawashada ee YouTube-ka, Fiidiyowga heesta oo la yirahdo Out of Your League ayaa la daawaday in ka badan 63 milyan oo jeer 24 saac gudahood.

Shakira, oo 45 jir ah, ayay sannadkii 2022 kala tageen ciyaaryahankii hore ee Barcelona Pique, oo 35 jir ah, ka dib in ka badan 10 sano oo ay wada joogeen, Lamaanahan ayaa waxay sidoo kale isku dhaleen laba caruur ah.

Heesta Shakira ee ay u qaadday ninkeedii hore ee afarta-daqiiqo ah ayaa ah tii ugu horreysay ee iyada iyo soo saaraha ree Argentine iyo DJ Bizarrap ay ka wada shaqeeyaan.

Shakira waxa ay ku biirtay liiska dadka Laatiinka ee la qaddariyo oo bandhig faneedyadooda rikoorka ka jabiyeen YouTube-ka – waxaa ka mid ah  J Balvin, Luis Fonsi iyo Daddy Yankee.

Ma ahan heesteedii ugu horreysay ee ku saabsan kala tagga iyo Pique – waxaa jirtay hees Monotonia la yirahdo oo soo baxday seddex bilood ka hor, laakiin waxay ahayd hees qalbi jab ah marka loo eego heestaan u muuqata mid aargoosi ah.

Heestaan waxay Shakira kaga hadleysaa  lammaanaha cusub ee 23-jirka ah ee Pique.

Shakira sidoo kale ma aysan cafin saaxiibta cusub ee Gerard iyadoo tiri, "waxaan u qalmaa labo 22 jir" waxay sidoo kale tiri: “Gaari nooca Ferrariga ee qaaliga ah ayaad ku badalatay gaariga [Renault] Twingo ama saacad Rolex ayaad ku baddalatay Casio.” Lammaanaha cusub ee Gerard, Clara Chía Marti, ayaa ah 23 jir.

Fannaanadda reer Colombia ayaa sidoo kale heesta ku soo qaadatay khilaafkii dhexmaray iyada iyo maamulka Spain oo ku andacooday in Shakiira ay ku guul-darreysatay inay bixiso lacag canshuur ah oo gaareyso 12 milyan oo gini ah.

Shakiira ayaa u muuqatay inay heesta ku sheegyso in markii ay waxaan oo dhan ku dhacayeen in Pique uu garabkeeda ka baxay iyo xitaa dumaashiyaasheed.

Waxay sidoo kale waxa ka sheegtay qaabka uu jirka u sameyo- “waqti badan ayaad jiimka ku qaadataa oo aad jirka dhistaa laakiin maskaxdaada ayaa sidoo kale u baahan inaad ka shaqeysiiso.”

Gerard Pique kama uusan jawaabin heesta baraha bulshada qabsatay, balse waxa uu soo dhigay mashruuc cusub oo uu garoon ku dhisay.

Labadooda ayaa bishii Juun ee sannadkii hore soo saaray warbixin ay ku sheegeen inay kala tageen oo ay xoogga saarayaan sidii ay u wada korsan lahaayen carruurtooda oo laka yirahdo Milan, oo 9 jir ah, iyo Sasha oo toddoba jir ah.

Post a Comment

0 Comments