Midowga Yurub oo Somaliya usoo diraya hub farabadan+ wajiga cusub ee Dunida

Somalia & Midawaga Yurub

Midowga Yurub, ayaa sheegay inuu markii ugu horreysay hub siinayo Somaliya iyo Niger, sida uu sheegay madaxa siyaasadda arrimaha dibadda ee Midowga Yurub, Josep Borrell.

Mr Borrell ayaa hadalkaan ka sheegay shirka amniga iyo difaaca ee midowga Yurub iyo la howlgalayaashiisa, kaasoo lagu falanqeynayay sidii si lamid ah Ukraine dalalka qaarkood lagu taageero gargaar milatari.

“Gargaarka ugu horreeya ee lagu siinayo qalabka wax dila ee la-hawlgalayaasha Afrika, Niger iyo Somaliya, ayaa la qaadan doonaa dhawaan,” ayuu yiri madaxa Midowga Yurub.

Bishii Febraayo 2022, dhowr maalmood ka dib markii uu Ruushku billaabay dagaalka Ukraine, Midowga Yurub wuxuu ogolaaday inuu Ukarine siiyo 500 milyan oo Yuuro oo hub ah iyo gargaar kale oo militari isagoo la dagaallamaya Ruushka.

Heshiisyada EU-da waa ka mamnuuc inay u isticmaalaan miisaaniyaddooda si ay u maalgeliyaan hawlgallada milatari ama difaaca.

Sida qorshuhu yahay, Midowga Yurub wuxuu isticmaali doonaa wax-ka-baxsan miisaaniyaddiisa oo loogu yeero “Xarunta Nabadda ee Yurub” taas oo lagu maalgalinayo  qalab lacag dhan 5 bilyan oo Yuuro oo loo isticmaali karo gargaarka milatari.

Go’aanka siinta qalab milatari waxa uu kasoo bilowday ciidamada qalabka sida ee Ukraine ee dagaalka kula jira Ruushka.

Post a Comment

0 Comments