Nin muddo bil ah kaynta Amazon xasharado ku cunayay, biyaha roobkana kabahiisa u hoorsanayay

Bolivia

Nin u dhashay waddanka Bolivia ayaa ka sheekeeyay sida ay ugu suuragashay inuu 31 maalmood ku badbaado gudaha kaynta Amazon kaddib markii uu halkaas ku dhex lumay, Jhonattan Acosta, oo 30-jir ah, ayey kala lumeen afartiisa saaxiib xilli ay ka ugaarsanayeen waqooyiga Bolivia.

Waxa uu sheegay inuu cabbi jiray biyaha roobka oo uu u dhigan jiray kabahiisa buudka ah, sidoo kalana uu cuni jiray xasharadaha xilli uu naftiisa kala dhuuman jiray Duurjoogta dad cunka ah.

Mr Acosta ayaa ugu dambayntii lagu helay xaflad lagu baadigoobayay oo ay dhigteen dadka deegaanka iyo saaxiibadii markaas oo ku beegnayd bil kaddib markii la waayay, “Waa wax layaab leh, waan rumaysan waayay in dadku ay muddo dheer baadigoobka wadeen,” ayuu yiri isagoo ilmaynaya.

“Waxaan cuni jiray dixiriga, waxaan cuni jiray xasharadaha, ma rumaysan kartid waxyaabihii aan samayn jiray si aan waqtigaas u badbaado,” ayuu u sheegay Unitel TV. Sidoo kale waxa uu cuni jiray miraha geedaha kaynta ka baxa, Waxaan si wayn ugu mahadcelinayaa Allaah, sababtoo ah waxa uu I siiyay nolol cusub.”

Qoyskiisa ayaa sheegay in weli ay uruurinayaan xogta la xiriirta sida uu Mr Acosta ku lumay iyo sida ay ugu suuragashay inuu noolaado, balse ay isaga si tartiib tartiib ah u waydiin doonaan arrimahaasi maadaama uu ka soo kabsanayo dhibta soo gaartay.

Mr Acosta ayaa waxaa ka dhacay culeys dhan 17kg, jilibka ayaa kala wareegtay waana uu fuuqbaxay, hasayeeshee sida ay sheegeen dadkii ninkaas soo helay, markii la helayay waa uu lugaynayay isagoo ul ku taagsanaya.

“Walaalkey waxa uu noo sheegay in maalintii afraad markii uu jilibka wareegay, in walwal uu isugu yimid oo noloshiisa uu u cabsaday,” Horacio Acosta ayaa u sheegay wargeyska Página Siete ee ka soo baxa Bolivia.

“Hal khasnad ayaa ugu jirtay qorigiisa mana uusan lugayn karayn, waxaana uu moodayay in cid aanay baadigoobayn,” Horacio Acosta, oo ah da’da ka yar ninka soo badbaaday ayaa intaasi ku daray.

Jhonattan Acosta ayaanan waqtigii uu lumayay haysan faas ama toosh, kabahiisa ayuuna u dhigan jiray dhibica roobka si uu u cabbo, Sidoo kale waxa uu ninkaasi qaraabadiisa u sheegay in mararka qaar ay soo weerari jireen duurjoogta.

Walaalkii ka yar ayaa sheegay in Jhonattan uu qasnaddii ugu dambaysay ee uu haystay ku cabsiin jiray xayawaannada uu kula kulmay kayntan ballaaran ee ku taal Laatiin Ameerika.

31 casho kaddib waxa uu meel 300m u jirta ka helay xaflad isaga lagu baadigoobayay, aayar ayuu u soo dhutiyay isagoo soo dhexjiiraya howdka, qaylinaya si ay dadku u maqlaan.

Horacio Acosta ayaa sheegaya in walaalkii ay soo heleen afar qof oo ka tirsan dadka deegaanka. “Nin ordaya ayaa inoo yimid oo inoo sheegay in walaalkey la helay. Mucjiso ayey aheyd.”

Acosta ayaa sheegaya in Jhonattan uu go’aansaday inuu iska dhaafo in ugaarta uu cunto ka dhigto kaddib markii uu wajahay xaaladdaasi adag.

Dhanka kale booliska ayaa sheegay inay su’aalo waydiin doonaan afarta nin ee saaxiibka la ahaa ninka soo badbaaday si ay u fahmaan sida ay u kala lumeen.

Post a Comment

0 Comments