Cali Jeyte: “Wejiga labaad ee howlgalka sifeynta Al-shabaab waa bilowday”

Alshabaab, Hiiraan

Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan oo aay wehliyaan saraakisha Ciidamada Qalabka Sida, Taliyaha qeybta 27-aad Gen.Tawane Ahmed Gurey iyo Taliyaha guutada 5-aad Col. Baakay iyo Taliyaha ururka 8-aad Comaandoska Gor-gor ee ciidanka xooga dalka soomaaliyeed ayaa ku dhawaaqay inuu bilowday wejiga labaad ee howlgalka ka dhanka ah Al-shabaab

Howlagalo xiriir ah oo ka socday gobolka Hiiraan ayuu Gudoomiye Cali Jeyte sheegay in lagu nadiifiyey degaano dhaco koonfurta degmada Beledweyne oo Al-Shabaab ay kaga soo gudbayeen wabiyada, iyadoo degaanada laga xureeyey ay ka sameeynayeen Weeraro fulaynimo oo ku dhufasho ah,

Ku dhawaad 10 doomood ayuu sheegay iney ciidamada qalabka sida iyo Dadka deegaanka burburiyeen kuwaasoo Al-shabaab ay ku isticmaalayeen wabiyadda

Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan mudane Cali Jeeyte Cismaan ayaa xusay in howlgalkan dib u hubinta Amniga loo gudbi doono Deegaanada galbeedka Hiiraan oo ah meesha ugu dambeysa ee al-shabaab ay Isku dayayaan ineey isku dhajiyaan, asigoo xusay in tilaabooyinka military ee la qaadi doono ay yahiin kuwo lagu soo celin doono guud ahaan Amniga Gobalka Hiiraan.

Post a Comment

0 Comments