DEG DEG: Madaafiic caawa lagu weeraray xarunta Madaxtooyada Villa Somalia

Muqdisho

Tiro hoobiyeyaal ah ay goor dhow xiligii afurka ka dib lagu weeraray xarunta Madaxtooyada Villa Somaliya ee magaalada Muqdisho oo ay degan yihiin madaxda sare ee dowlada.

Weerarkan hoobiyayaasha ah waxaa xaqiijiyey saddex qof oo ku sugan magaalada oo sheegay in ay maqleen qaraxyada.

Madaafiicda qaarkood ayaa la sheegay iney ku dhaceen gudaha Villa Somalia.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in mid ka mid ah Hoobiyeyaashaas uu ku dhacay Dhisme uu degan yahay Wasiirka Batroolka ee XFS Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo ku yaalla gudaha Villa Soomaaliya.

Khasaare dhimasho iyo dhaawac leh ayaa la soo werinayaa inuu jiro inkastoo aan tirakoob sax ah laga heynin.

Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda, laakin weerarrada noocaan ah ee ka dhaca Muqdisho ayaa inta badan waxaa mas’uuliyaddooda sheegta kooxda Al-Shabaab.

Post a Comment

0 Comments