Madaxweyne Xasan Sheekh oo sheegay in faa’ido weyn lagu helay dagaalka Khawaarijta

Madaxwayne Xassan sheekh

Madaxweynaha dowladda Somaliya Xasan Sheikh Maxamuud, ayaa sheegay, dowladdu inay taageero ballaaran ku heshay dagaalka ku qaaday Alshabaab ee looga xoreeya degaano badan oo ku sugnaayeen.

Madaxweynaha ayaa sheegay in adduunku uu usoo jeedsaday taageerada Somaliya, kaddib markii Dowladda xooggeeda ay galisay dagaalka Alshabaab.

“Waad aragteen dagaalka Alshabab xooggeenuu ku yimid, haddaan xoog islaameed sugi lahayd, nooma imaadeen. Markaan xooggeenii la dhaqaaqnay, kaalmo badan oo caalamiyaan helnay,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay caalamka inuu u taageeri waayay Soomaaliya sababa ka xiriira gaabiska Dowladda ee ah in aysan  hormuud ka ahayn dagaalka lagula jiro kooxda Alshabaab.

Xasan Sheikh wuxuu sheegay fursadiisa labaad ee hoggaaminta dalka inuu ku bixindoono sidii dalka looga sifayn lahaa Alshabaab, si ay Soomaaliya mar kale cagadaheeda ku istaagi lahayd.

Post a Comment

0 Comments