Kenya oo soo riday diyaarad ay laheyd AL-SHABAAB

Alshabaab, Kenya

Kooxda AlShabaab ayaa markii ugu horreysay billowday isticmaalka diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Drones-ka, kuwaas oo loo adeegsado xog uruurinta, kadib howlgal ay ka fulisay gudaha waddanka Kenya.

Arrintaan ayaa lagu ogaaday weerar ay kooxda ku qaaday saldhig ay ciidamada Kenya ku leeyihiin degaanka Siraari ee gobolka Waqooyi Bari, kadib markii ay ciidamadu soo rideen diyaarad aan duuliye laheyn oo lahaayeen dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab.

Diyaaradda ayaa la sheegay inay kooxda u adeegsaneysay uruurinta xogta ka hor weerarka ka dhacay deegaankaasi, sida laga soo xigtay saraakiisha laamaha ammaanka.

Sidoo kale ciidamadu waxa ay toogasho ku dileen qof looga shakiyay inuu is qarxin rabay, kaas oo ku dhawaaday saldhigga ciidamada Kenya ee la weeraray.

Dhacdadan ayaa muujineyso inay Al-Shabaab casriyeyeen howlgalkooda, isla-markaana ay bilaabeen isticmaala diyaaradaha yaryar ee Drones-ka, taas oo ah halis kale.

Qubarada dhanka amniga ayaa dhankooda rumeysan inay suurtagal tahay in Shabaab ay diyaaradahan ku xirto walxaha qarxa ama hub kale, si ay ugu adeegsato weeraradeeda.

Arrintan ayaa sidoo kale waxa ay kor u qaadeysaa wel-welka laga qabo in dagaalyahanada Al-Shabaab ballaariyaan howlgalladooda, taas oo halis ku ah Soomaaliya iyo dariskeeda.

Al-Shabaab ayaa muddooyinkii dambe sare u qaaday weerarada ay ka fuliso gudaha dalka Kenya, ayada oo beegsata xarumaha ciidamada iyo basaska mara gobolka Waqooyi Bari.

Si kastaba, arrintan ayaa kusoo aadeyso, ayada oo haatan dalka uu ka socdo dagaal ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, kaas oo galaya wajigiisa labaad, waxaana la filayaa inay ku soo biiraan ciidan horleh oo ka socda wadamada dariska,  sida Kenya, Jabuuti iyo Itoobiya.

Post a Comment

0 Comments