Ku dhawaad 60 ka tirsan Al-Shabaab oo lagu laayey degaanka Ceel-dhuun adeegow.

Shabaab badan oo lagu laayay deegaanka Ceel-dhuun adeegow.

Duqeymo culus ayaa shalay gobolka Bay loogu geystay kooxda Al-Shabaab, waxaana la sheegay in lagu dilay ku dhawaad 50 maleeshiyaad iyo saraakiil isugu jira.

Duqeymahaasi waxay shalay ka dhaceen deegaan lagu magacaabo Ceel-dhuun Adeegow oo dhaca inta u dhaxeysa magaalooyinka Baydhaba iyo Waajid ee gobolka Bay.

Si gaar ah deegaankaasi wuxuu u dhow yahay Goofgaduud-Buurey oo daraad ay dib ula wareegeen ciidanka xoogga dalka, kadib markii ay Shabaab dagaal ku qabsadeen 23-kii bishaan.

Deegaanka lagu duqeeyey kooxda waxay ka soo abaabuleen weerar culus oo ka dhacay duleedka degmada Waajid, halkaas oo dagaal maleeshiyaad badan looga dilay ay kula galeen ciidanka xoogga dalka iyo kuwa Itoobiya.

Wasaaradda amniga K/Galbeed, taliska qeybta 60-aad ee ciidanka xoogga dalka iyo wasaaradda gaashaandhigga XFS ayaa xaqiijiyey in duqeymihii shalay AlShabaab looga dilay uga yaraan 45 xubnood oo saraakiil iyo dagaalyahano isugu jira.

Sidoo kale masuuliyiin ka tirsan Koonfur Galbeed waxay sheegeen in dagaalyahanada maanta laga dilay Al-Shabaab ay ku jiraan xubno badan oo ajaanib ah, inkastoo aan la shaacin tiradooda rasmiga ah.

Dhulka ay duqeymahaasi ka dhaceen waa howd ay aad u deegaameysteen Al-Shabaab, sida uu VOA u sheegay taliyaha qeybta 60-aad ee ciidanka xoogga dalka.

Diyaaradaha geystay duqeymahaas waxaa laga leeyahay dalka Mareykanka, wuxuuna deegaanka la duqeeyey u dhowyahay Goofgaduud oo shalay ay qabsadeen ciidanka xoogga dalka.

Kooxda shalay lagu duqeeyey deegaanka Ceeldhuun Adeegow ayaa shalay weerar ku soo qaaday garoonka diyaarada ee degmada Waajid, halkaas oo looga dilay ugu yaraan 25 xubnood, oo 5 ka mid ajaanib ahaayeen.

Post a Comment

0 Comments