Ajaaniib dooneysay in ay ku biiraan kooxda Al Shabaab oo gacanta lagu dhigay

Dawlada Kenya, Alshabaab

Ciidamada ammaanka dalka Kenya ayaa gacanta ku dhigay ajaaniib dooneysay in ay galaan Soomaaliya, si ay ugu biiraan dagaalamayaasha kooxda Al Shabaab ee ku sugan qeybo kamid ah Somaliya.

Ajaaniibtan oo kasoo kala jeeda dalalka Tanzaaniya iyo Uganda ayaa booliiska dalka Kenya ku xireen magaalada Gaarisa ee xarunta gobolka Waqooyi Bari Kenya. waxaana hadda ku socda baaritaano dheeraad sida booliiska sheegeen.

Booliska ayaa magacyadooda ku sheegay raggan la qabtay Muhamed Jahad Farah, Saad Suleiman Saleh, Nadrik Mbwana Salum, Abdul Kadir Salum Seif iyo Ali Issa Ali, oo dhamaantood u dhashay Tanzania iyo Hassan Tourabih Kintosa oo u dhashay Uganda.

Raggan booliiska dalka Kenya xireen ayaa la sheegay in ay qirteen in ujeedkoodu ahaa in ay Soomaaliya u safraan si ay ugu biiraan AlShabaab. waxa ayna sidoo kale sheegeen in barnaamijkan lagu soo qalday.

Ciidamada Kenya ayaa sidan oo kale dhawwaan u xiray rag kale oo u dhashay dalka Tanzaaniya ,kuwaa oo iyana la qabtay xilli ay doonayeen in ay xadka Soomaaliya ka gudbaan kuna biiraan kooxda Al Shabaab.

Post a Comment

0 Comments