Xukuumadda Somaliya oo shaacisay in dowladdii Farmaajo Al Shabaab fursad badan siiyeen.


Dowladda Somaliya uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hadda wada guluf dagaal oo ka dhan ah kooxda AlShabaab, oo wali maamusho deegaanno iyo degmooyin badan oo dalka katirsan.

Wasiirka gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay in Al Shabaab shantii sanno ee dowladdii Farmaajo jirtay la siiyay fursad weyn ay dhaqaale ku aruursadaan iskuna diyaariyaan.

Waxa uu sheegay in Al Shabaab shantii sanno ee dowladdii hore u suurto gashay in dekadda Muqdisho kala soo degaan qaraxyo ,sidoo kale dalka soo galiyeen ajaaniibtii ugu badneed, waxa uu sidoo kale xusay in Al Shabaab waqtigaasi dhallinyaro badan maskaxda ka xadeen.

”Waxaan la tacaaleynaa Urur Argagixiso oo fursad loo siiyey mudo 5 sano ah iney is diyaariyaan, dhaqaalo aruursadaan, maadooyinka qarxa dekadaha kala soo degaan, kumanaan dhalinyaro Soomaaliyeed maskaxda ka dhaqaan, ajaanibtii ugu badneed dalka soo geliyaan, la soo degaan hubka noocyadiisa kala duwan” ayuu yiri wasiirka.

Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in Al Shabaab shantii sanno ee lasoo dhaafay gashay kalsooni ah in dalka dhan ay qabsan karaan,waxa uuna xusay haddii Al Shabaab waqtigaasi dagaal lala gali lahaa in xaalka maanta sidaan ahaadeen.

Dowladdii uu madaxweynaha ka ahaa Farmaajo ayaan dagaalo badan la galin kooxda Al Shabaab, waxaana dowladaasi la sheegay in mashquul ku aheyd arrimo kale oo siyaasad u badneed ,halkii ay dagaal la gali lajeyd kooxda Al Shabaab.

Post a Comment

0 Comments