Dagaal lagu jebiyay Al-Shabaab oo ka dhacay Hiiraan.

Dagaal lagu jebiyay Al-Shabaab oo ka dhacay Hiiraan, kadibna looga qabsaday…

Faahfaahin dagaal Hiiraan ku dhexmaray ciidamada iyo Alshabaab:


Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dagaal u dhexeeyay Al-Shabaab iyo ciidamada dowladda oo garab ka helaya kuwa deegaanka oo maanta ka dhacay galbeedka magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Dagaalka ayaa waxaa qaaday ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Macawiisleyda oo beegsaday xubno ka tirsan Al-Shabaab oo dhawaan qabsaday gobolka Hiiraan.

Warbixinta Taliye Salaad Sheekh :


Taliyaha saldhigga deegaanka Farlibaax, Salaad Sheekh oo qayb ka ahaa dagaalkaas ayaa sheegay inay jab xoogan ay gaarsiiyeen Al-Shabaab, ayna kala wareegeen deegaanka Ceel Cadde.

Sidoo kale wuxuu xaqiijiyay in haatan ay deegaanka si buuxda gacanta ugu hayaan ciidamada ammaanka, ayna sugeen amniga guud ee deegaankaasi.

“Waxaan rabaa inaan u xaqiijiyo bulshada Soomaaliyeed deegaanka Ceel Cadde inuu nabad-gelyo yahay, ciidankana ay gacanta ku hayaan ammaankiisana uu sugan yahay wax dhibaato ahna ay ka jirin” ayuu yiri taliyaha saldhigga booliska deegaanka Farlibaax.

Salaad Sheekh, taliyaha saldhigga Farlibaax oo sii hadlaya ayaa xusay in khasaare ay gaarsiiyeen Al-Shabaab, balse iyagu aysan soo gaarin wax khasaare ah, sida uu hadalka u dhigay.

“Walaalo wax khasaare ah oo annaga naga soo gaaray ma jirto nimankaas farriinkii ay ku lahaayeen Ceel Cadde marka ay soo galeen ciidanka ayey rasaaseeyeen meelo dhaadheer ayay wax kasoo rideen cid wax ku noqotayne ma jirto” ayuu mar kale yiri Salaad Sheekh.

Doorka Hiiraan ee la dagaalanka Alshabaab


Hiiraan ayaa waxaa haatan ka socda guluf dagaal oo Al-Shabaab looga saaray deegaanada ay ka joogaan gobolkaasi, maadaama wajigii koowaad laga saaray dhul ballaaran.

Post a Comment

0 Comments