Dowladda oo xayirtay shirkado la shaqeynayay Al-Shabaab

Dowladda Somaliya oo xayirtay shirkado la shaqeynayay kooxda Al-Shabaab

Warbixinta Wasiirka warfaafinta Soomaaliya:


Wasiirka warfaafinta Soomaaliya, Daa’uud Aweys oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa warbixin kasoo saaray dagaalka lagula jiro Al-Shabaab ee ka socda dalka, kaas oo guullo waa weyn laga gaaray.

Daa’uud Aweys ayaa shaaca ka qaaday in dowladdu ay qaaday tallaabooyin dheeraad ah oo lagu wajahayo kooxda, isla-markaana ay ku qaaday dagaal toos ah iyo mid dhaqaale.

Wasiirka ayaa sheegay in Al-Shabaab ay isticmaali jireen dekedda Muqdisho, ayaga oo adeegsanayay shirkado, ganacsato iyo nootaayooyin, si ay usoo marsiistaan alaabtooda, waxaase uu tilmaamay in shabakadahaas ay soo afjareen ciidamada Nabad-Sugidda.


Hadalka Wasiirka Warfaafinta:


“Dekadda Muqdisho waxa ay ahayd meelaha ay Khawaarijta oo isticmaaleysa kooxaha aan soo sheegnay ay isku dayeen in ay soo marsiistaan waxyaabaha ay ku dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed. 

laakiin Sirdoonka Soomaaliya ee habeen iyo maalin u taagan in uu ka hortago shirqoollada Khawaarijta ayaa helay xogta Alaabaha ku socday Khawaarijta ka hor inta aysan soo gaarin Soomaali. 

Waxaana dowladdu ku guuleystay in la qabto alaabta iyo shabakaddii ka shaqeyneysay fududeynteeda” ayuu shirkiisa ku yiri Daa’uud Aweys.

Sidoo kale wuxuu xaqiijiyay in la xayiray illaa saddex shirkadood oo shaqada laga joojiyay, kadib markii lagu helay inay la shaqeynayeen kooxda Al-Shabaab.

‘Illaa saddex shirkadood oo dabagal lagu ogaaday ayaa shaqooyinkooda ku waayay kiiskaasi kooxaha Khawaarijta ayaana ka quustay isku day kasta oo ay ka dhuuntaan indhaha ciidanka iyo shacabka Soomaaliyeed” ayuu mar kale wasiirka warfaafinta.

Waxaa kale oo uu wasiirku intaasi sii raaciyay “Waxaa intaas dheereed in sirdoonka Soomaaliya uu soo afjaray Shabakado badan oo ay Khawaarijtu dhinaca dhaqaalaha u isticmaali jireen kuwaas oo isu ekeysiinayay, nootaayooyin, shirkado ganacsi, dalaaliin, iyo xubno shaqadoodu ahayd in ay xogta ganacsi la wadaagaan khawaarihta”.

Dhanka kale waxa uu hoosta ka xariiqay in laga cuuryaamiyay ilihii ay ka heli jireen dhaqaalaha, sidoo kalena laga xayiray illaa 350 Akoon Bank iyo koontooyin kale.

“Xanuunka khawaarijta gaaray intaas kuma ekaanin ee waxa ay dowladdu xirtay 350 Akoon Bangi, 405 Telefoon iyo 18 Koonto ganacsi (Merchant) kuwaas oo dhammaantood Khawaarijtu dhexmarsiisan jirtay lacagaha baadda ah” ayuu yiri wasiir Daa’uud Aweys.

Gulufka dagaal ee dalka ka socda :


Soomaaliya ayaa waxa ka socda guluf dagaal oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa deegaanka.

Post a Comment

0 Comments