Ciidanka dowladda oo tallaabo culus ka qaaday colaadda Sh/Hoose.

Ciidanka dowladda oo qaaday tallaabo culus oo la xiriirta colaadda Sh/Hoose

Ciidanka daraawiishta oo kala dhexgalay beelo is dagaalayay.

Ciidanka dowladda ee dhawaan loo xil saaray colaadda ka soo cusboonatay qeybo kamid ah gobolka Sh/Hoose ayaa qaaday tallaabo cusub oo meesha looga saarayo dagaalada beelaha walaalaha ah.

Ciidanka Daraawiishta Booliska Soomaaliyeed oo uu arrintaan u xil saaray taliska ciidanka Booliska Soomaaliyeed, una diray deegaano hoos yimaada degmada Cadale, ayaa kala dhex-galay maleeshiyo beeleedyo ku diriray halkaasi.

Ciidanka oo gaaray dhamaan tuulooyinka iyo deegaanada kala ah Cadow-uul, Garasweyne, Xaaji-Cali, Ceel-muluq, laba-garas, Goof-hareeri, Geel-gub, Burto-Shiikh, Geyfo, Boos-muluq iyo Biyo-madoobe, oo dhamaantood ah kuwii ay maleeshiyo beeleedyadu ku dagaalameen, ayaa halkaasi ka sameeyay hub ka dhigis.

Ciidanka ayaa aruuriyay hub laga qaaday qaar kamid ah maleeshiyadii ku dagaalamay deegaanadaasi, ayada oo taliyaha Daraawiishta Booliska, Sareeye Guuto Cabdulahi Mire uu dadka ku dhaqan deegaanadaasi ku amray in aan la aqbali karin in wax hub ah lagu qaato deegaanadaasi.

Taliyaha oo goobo fagaare ah kula hadlay dadweynahay ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in cidii ku xad-gudubta xabad joojinta iyo dadaalada nabadeedna ay ciidamada amaanku u amran yihiin in ay gacan bir ah ku qabtaan, lagana qaado tallaabo sharciga waafaqsan.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in xaaladda deegaanadii ay ku dagaalameen dhinacyada ay caadi ku soo laabtay, iyada oo lagu amray in dadku is dhex-maraan, islamarkaana is nabad-galiyaan.

Mawqifka dawlada Somaliya ay ka istaagtay dagaalkan.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan si adag uga hadashay dagaallada qabaa’ilka ee ka socda gobollada Shabeellada Dhexe, Hiiraan, Galgaduud iyo Mudug, iyadoo hurinta dagaallada qabaa’ilka dusha ka saartay kooxda Al-Shabaab.

Dagaalladan ayaa kusoo aadaya xilli dowladda ay qorsheynayso in dhawaan uu billowdo wejiga labaad ee dagaalka, ayada oo heer geba-gebo ah uu marayo wejiga hore ee dagaalka oo deegaano iyo degmooyin badan lagu xoreeyay.

Post a Comment

0 Comments