Sh. Xasan Dahir Aweys oo hal codsi oo weyn u diray RW Xamse

Sh. Xasan Dahir Aweys oo hal codsi oo weyn u diray RW Xamse

Waa kuma Sheekh Xasan Daahir Aweys.

Sheekh Xasan Daahir Aweys oo kamid ah aas-aasayaashii Khawaarijta Shabaab islamarkaana isku soo dhiibay dowladda Somaliya hadana xabsi guri ku xiran.

Codsiga uu ka dalbaday RW Xamse.

Aweys oo aad u isticmaala baraha bulshada walow markii dambe laga joojiyay ayaa hadda soo duubay muuqaal cusub oo uu ku dalbanayo iney isarkaan Ra’iusl Wasaare Xamse si ay u wada hadlaan.

Waxa uu Sheekh Xasan Dahir Aweys dalbaday waliba in guriga uu ku xiran yahay ugu imaado Ra’isul Wasaaraha islamarkaana ay kawada hadlaan arrimo taagan oo siyaasadeed.

Xasan Daahir Aweys ayaa aad u amaanay Ra’isul Wasaaraha Xamse aqoontiisa iyo kartidiisa iyo sida uu uga shaqeynayo siyaasadda Soomaaliya iyo sidii uu u taageeray Xamaasta Falastiiniyiinta.

Lama oga waxa uu ku saabsanyahay kulanka uu dalbaday Maxbuuska Khawaarijta fikirkeeda heysta balse waxa uu ku tilmaamay munaaqisho ama wadahadal siyaasadeed.

Fikirkiisa dhanka argagixisada.

Waxaa xusid mudan in Dahir Aweys uusan wali ka tanaasulin fikirkiisa xagjirnimada taa oo ah mid uu wali u xiranyahay.

Waxaa dhanka kale jirta in guriga uu ku xiranyahay hadda iney ilaaliyaan ciidamo katirsan NISA islamarkaana halkaa ay la joogaan xaasaskiisa iyo caruurtiisa.

Khawaarijta Shabaab ayaa hadda sii dabar go’eysa iyadoo laga dilay horjoogayaal dhowr ah qaar kalana laga qabtay sidoo kale kuwa kalena ay isa soo dhiibeen.

Post a Comment

0 Comments