Xasan Sheekh oo meesha ka saaray in dowladdiisa wax wada-hadal ah dhexmari doono Al-Shabaab.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo meesha ka saaray arrin la hadal hayey oo la xiriirta…

Go`aanka dawladda Somaliya ee ku saabsan Alshabaab

Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gebi ahaanba meesha ka saaray in dowladdiisa uu wax wada-hadal ah uu dhexmari doono kooxda Al-Shabaab.

Madaxweyne Xasan ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay in dagaal lagu cirib-tiro kooxda Al-Shabaab, halkii wada-hadal lala gali lahaa.

Sidoo kale waxa uu xusay in gulufka socda ee ka dhanka Al-Shabaab laga gaaray guullo waaweyn, islamarkaana looga xoreeyay dhul ballaaran oo ay hadda dowladda ka sameysay barnaamijka xasillinta, taasi oo muujineysa rejada ah in Shabaab lagu suulin karo dagaal.


“Si aan u istaagno sida xasilloon, waxaan leenahay laba door oo muhiim ah si aan u soo jiidano ficillada caalamiga ah. Waxaan u baahanahay inaan dalka ka xoreyno Al-Shabaab. Saaxiibada caalamku waxay ku siin karaan agabka sida cuntada, hubka iyo shidaalka laakiin nama siin doonaan ciidamada safka hore,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan oo xoojinaya isku tashiga gudaha.

Maxaa is badalay ?

Mowqifka cusub ee Xasan ayaa meesha ka saaraya dabacsanaan uu muujiyay bartamihii sanadkaan, markaas oo uu sheegay “in ugu dambeynta” dowladdu la xaajoon doonto kooxaha xagjirka ah, gaar ahaan Al-Shabaab, taasi oo uu maanta meesha ka saaray.

“Dowladdu waxay albaabada u furaysa xubnaha ka tirsan Al-Shabaab ee doonaya inay ka haraan gacan ka hadalka iyo fikirka xagjirka ah,” ayuu yiri madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa hore u ballan-qaaday inuu ka adkaan doono kooxda Al-Shabaab, oo uu sheegay inay dib ugu xoogeysatay dalka intii ay ka talineysay dowladdii hore ee Farmaajo.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in dowladdu ay kooxda Al-Shabaab ku wajaheyso saddex siyaabood oo muhiim ah, kuwaasi oo kala ah mid milatari, mid fikir, iyo mid dhaqaale.

Waxa kale oo uu sheegay in mudnaanta koowaad ay tahay amniga, isaga oo tilmaamay inay dowladdu dooneyso inay hirgeliso dib-u-heshiisiin bulsho iyo mid siyaasadeed oo ay ku jirto dastuur mideysan iyo dhismaha hay’addo dowli ah.

Guulaha laga gaadhay dagaalka Alshabaab.

Si kastaba, dowladda Somaliya ee uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan ayaa guullo wax ku ool ka gaartay dagaalka Al-Shabaab, ayada oo kooxda lagu gaarsiiyay jab xooggan, iyada oo laga xoreeyay deegaano iyo degmooyin muhiim ah oo sanado badan ku jiray gacanta kooxda.

Post a Comment

0 Comments