Ciidanka Macawiisleyda oo weerar ku qaaday goob isku urursanayeen Al-Shabaab

Ciidanka Macawiisleyda oo weerar ku qaaday goob isku urursanayeen Al-Shabaab

Wararka ka imanaya Galgaduud.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya weerar ay maanta ciidamada dadka deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleyda ay ku qaadeen goob ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan koxoda Al-Shabaab oo ku aadan deegaanka Cinjir, una dhow magaalada Budbud ee gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka Somaliya.

Weerarka kadib ayaa waxaa xigay dagaal toos ah oo dhex-maray labada dhinac, kaas oo muddo saacad ka badan qaatay, isla markaana la’isku adeegsaday hubka culus.

Saraakiil ka hadlay dagaalkaas.

Saraakiil ka tirsan Macawiisleyda oo ka hadlay dagaalkaasi ayaa shaaca ka qaaday inay ka war heleen xubnaha Al-Shabaab ee isku uruursanayeen halkaasi, kadibna weerareen.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dareen inay goobta ku dileen xubno kamid ahaa kooxda, ayna la wareegeen gacan ku heynta goobta lagu dagaalamay.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaasi ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada dadka deegaanka ee Macawiileyda.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana weli aagga Bubud dhaq-dhaqaaqyo ciidan ka wada ciidamada deegaanka ee howlgallada xoreynta ka wada gobollada dhexe.

Howlgalkan ayaa kusoo aaday, ayada oo muddooyinkii dambe ay istaageen dagaalladii ka dhanka ahaa Al-Shabaab ee ka socday koonfurta iyo bartamaha Somaliya.

Post a Comment

0 Comments