Dowladda Turkiga oo soo saartay amar lagu soo xirayo wiilka madaxweyne Xasan

Dowladda Turkiga oo soo saartay amar lagu soo xirayo wiilka madaxweyne Xasan

Dawladda Turkiga oo amartay in lasoo xidho wiilka Xassan sheekh.

Dowladda Turkiga ayaa war cusub kasoo saartay shil gaari oo uu dalkaasi ka gaystay wiil uu dhalay madaxweynaha Somaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, kaas oo hadda lasoo wariyay inuu ka baxsaday gudaha dalkaasi.

Shilka oo dhacay dhammaadkii November ayaa sababay dhimashada hal qof, kaas oo la sheegay inuu gaystay wiilka oo lagu magacaabo Maxamed Xasan Sheeh Maxamuud.

Waaran ay soo saartay maxkamadda Istanbul

Kadib baxsashada wiilka madaxweynaha Somaliya, waxaa waaran lagu xirayo soo saartay maxkamadda Istanbul, iyadoo loo marayo booliiska adduunka ee Interpol.

“Dowladda Turkiga iyadoo la isticmaalaysa jid kasta oo caalami ah oo fududeynaya in lasoo qabto tuhmanaha,ayay qaadaysaa” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale maxkamadda oo soo saartay xayiraad lagu soo rogay Maxamed Xasan Sheekh Maxamuud Dec. 7, ayaa hadda ogaatay inuu ka baxsaday Turkiga Dec. 2, kahor intaan lagusoo rogin xayiraada safarka.

Qaabka uu udhacay shilka dilkan sababay.

Maxamed ayaa ku lug lahaa shil 30-kii November ka dhacay degmada Fatih ee magaalada Istanbul, oo uu ku dhintay Yunus Emre Göçer oo ahaa 38 jir Turkish ah.

Yunus Emre Göçer, oo waday mooto ayaa xillii uu istaagayey waddada Kennedy Avenue, waxaa gadaal kaga dhacay baabuur uu waday Maxamed Xasan Sheekh Maxamuud, baabuurkaas oo u diiwaan gashan safaaradad Soomaaliya.

Shilka ayaa dhaliyey in Yunus ay gaaraan dhaawacyo culus, kuwaas oo uu ugu dambeyn lix maalmood kadib ugu geeriyooday Isbitaalka Ä°stanbul Teaching and Research Hospital.

Duqa Istanbul Ekrem Ä°mamoÄŸlu oo ka hadlay arintan.

Duqa magaalada Istanbul Ekrem Ä°mamoÄŸlu ayaa shalay wacad ku maray tallaabo ka dhan ah wiilka madaxweynaha Soomaaliya iyo in caddaaladda la horkeeno. Hase yeeshee, qoraal uu goordhow soo dhigay bartiisa X (Twitter) ayuu ku sheegay in Maxamed Xasan Sheekh Maxamuud uu dalka ka baxsaday.

“Yunus Emre Göçer wuxuu ahaa muwaadin u dhashay Jamhuuriyadda Turkiga, Waxaa noloshiisa dhaafsiiyey shil uu geystay wiil uu dhalay Madaxweynaha Soomaaliya. Waxaanu sheegnay inaan raaceyno nidaamka sharciga ah, balse tuhmanuhu wuu ka baxsaday Turkiga,” ayuu yiri Ekrem Ä°mamoÄŸlu. 

Horey, wasiirka cadaaladda Turkey Yılmaz Tunç ayaa sheegay in muuqaallo ay duubeen kaamirooyinka waddooyinka ay moojinayaan in Yunus gadaal looga dhacay isaga oo wata mootadiisa.

Wasiirka ayaa sheegay in qof walba uu sharciga u siman yahay, haddii fal dambiyeed dhacayna ay ka dhalan doonto cawaaqib xumo. Safaaradda Soomaaliya ee Turkey ayaan weli ka hadlin arrintan.

Post a Comment

0 Comments