Jeyte oo abaabulkii ugu xooggana wada iyo boqolaal Macawiisley.

Ciidamo Cusub oo macawuusley ah oo Dagaal loo diyaariyay oo lasoo bandhigay

 Jeyte oo abaabulkii ugu xooggana wada

Cali Jeyte Cismaan oo haatan ah Ergeyga Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha Macawiisleyda ayaa wada abaabulkii ugu xooggan oo lagu dardar-gelinayo dagaalka kooxda Al-Shabaab ka dhanka ah.

Cali Jeyta ayaa maanta magaalada Halgan ee gobolka Hiiraan kula hadlay boqolaal Macawiisley ah, kuwaasi oo loo diyaariyey inay qeyb ka noqdaan cirib-tirka Shabaabka ku dhuumaaleysaneysay deegaanno ka tirsan gobolka Hiiraan.

Waxa uu kula dardaarmay Macawiisleyda uu la hadlay inay u diyaar garoobaan howl-galka sifeynta cadowga, islamarkaana laga doonayo reer Hiiraan in ay u midoobaan in gobolkaas uu xor ka noqdo kooxdaAl-Shabaab.

Howl-gal dhawaan lagu laayay Shabaab.

Howl-gal dhawaan ciidanka xoogga dalka iyo saaxiibada caalamku ka sameeyeen duleedka Halgan ayaa lagu dilay in ka badan 60 Shabaab ah, kuwaasi oo xogtooda la helay iyaga oo isku aruursanaya deegaan hoos taga magaaladaasi.

Sidoo kale waxa ay howl-galkaas ciidamadu ku burburiyeen, islamarkaana ay cagta mariyeen saldhiyo ay kooxda ku laheyd halkaasi.

Doorka Hiiraan ee la dagaalanka Alshabaab.

Hiiraan ayaa kamid ah meelaha lagu jebiyay kooxda Al-Shabaab, islamarkaana khasaare culus lagu gaarsiiyay wejigii koowaad ee dagaallada haatan ka socda dalka.

Post a Comment

0 Comments