Ciidanka NISA oo gacanta kusoo dhigay ninkii gubay Luul Cabdicasiis

Ciidanka NISA oo gacanta kusoo dhigay ninkii gubay Luul Cabdicasiis

Ciidamada Nisa oo soo qabtay ninii xaaskiisa ku gubay Muqdisho.

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka ee NISA ayaa goordhoweyd gacanta kusoo dhigay Sayid Cali Macalin Daa’uud oo ku eedeysan dilka Marxuumad Luul Cabdicasiis oo u geeriyootay dhaawac kasoo gaaray dab la qabad siiyay jirkeeda.

Ciidanka Nabad-sugidda oo maalmihii lasoo dhaafay ku raad-joogay eedeysanaha ayaa ugu dambeyn kasoo qabtay deegaanka Caad xilli uu halkaas ku dhuumaaleysanayay.

Allaha u naxariistee, Luul Cabdicasiis ayaa Jimcihii ku geeriyootay magaalada Muqdisho kadib dhaawacyo daran oo kasoo gaaray dabka la sheegay inuu qabad siiyay ninkii qabay ee maanta lasoo qabtay.

Luul ayaa ka mid ahayd shaqaalaha garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Marxuumadda ayaa waxay lahayd uur lix bilood ah markii falkaan loo geysanayay, iyaada oo sidoo kale aheyd hooyo kaligeed ku ahayd korinta lix carruur ah oo agoon ah oo nin kale u dhashay.

Ninka dabka qabad siiyay marxuumadda ayaa waxay is guursadeen muddo hadda laga joogo 6 bil, ayaga oo qoyska uu sheegay in uusan jirin wax khilaaf ah oo ehelku ogaa oo ka dhaxeeyay.

Sababata uu ugubay ninkani xaaskiisa.

Si dhab ah looma oga illaa hadda sababta ka dambeysa falkaan argagaxa leh ee uu kula kacay xaaskiisa, inkasta oo ay soo baxayaan warar sheegaya inay salka ku hayso arrimo masayr.

Post a Comment

0 Comments