Documentiyo ay ka carareen maleeshiyada Al-Shabab oo gacanta lagu dhigay

Documentiyo ay ka carareen maleeshiyada Al-Shabab oo gacanta lagu dhigay

Wararka ka imanaya gobolka Shabeelaha Hoose.

Ciidamada booliska gaarka ah ee Haramcad oo kaashanaya kuwa Xoogga Dalka, gaar ah Guutada Cumar binu-khadaab ayaa maanta howlgallo culus ka sameeyay qaybo kamid ah gobolka Shabeelaha Hoose, iyaga oo beegsaday goobo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab oo ku yaalla inta u dhexeysa deegaanada Gendershe iyo Arbacow ee gobolkaasi.

Ciidamada ayaa gudaha u galay dhowr deegaan oo ay isaga baxeen Al-Shabaab, kuwaas oo kala ah Godka kubash, Galka Geeriyaan, Galka Saalimow iyo Mara-cade.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Dowladda 

Warsaxaafadeed kasoo baxay dowladda Somaliya ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamadu ay gacanta ku dhigeen documentiyo ay ka carareen xubnaha Al-Shabaab, kuwaas oo ay ku baadi jireen dadka shacabka ah, sida lagu sheegay qoraalka.

“Waxay ciidamadu gaareen meelo ay khawaarijtu ka carareen waxayna ka heleen documentiyo farabadan oo ay ka mid yihiin kuwa dadka lagu baado” ayaa lagu yiri.

Sidoo kale waxaa ujeedka howlgalkan uu ahaa burburinta xarumo iyo maxkamado ay kooxda ku lahayd halkaasi, kuwaas oo ay cagta mariyeen ciidamada Haramcad.

“Ujeedka howlgalkaas ayaa ahaa Burburinta goobo Cadowga Khawaarijta ahi ay kaga dhuumalaysanayeen Deeganadaasi Iyo Maxkamad Beenaad ay ugu yaraan Dadka Deegaanka ee agaas ka ag dhaw” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka dowladda.

Waxaa kale oo lasii raaciyay “Argagixisada arxanka daran ee Al-Shabaab ayaa caado ka dhigatay isku dhex qarinta dadka shacabka, maadama aysan ka hortagi karin awood ciidanka Haramcad, balse Ciidanka oo u tababaran baacsiga argagixisada ayaa cagta mariyey haraadiga”

Doorka gobolka shabeelaha hoose ee la dagaalanka Alshabaab.

Shabeelaha Hoose ayaa waxaa weli ka socda howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab oo weli deegaano ka haysta gobolkaas, iyaga oo kasoo abaabula weeraro qorsheysan.

Post a Comment

0 Comments