Madaxweyne Xasan Sheekh oo shaaciyey sababta uu mar kasta ugu safro dalka Eritrea

Madaxweyne Xasan Sheekh oo shaaciyey sababta uu mar kasta ugu safro dalka Eritrea

Maxaa sababay in Xasan Sheekh uu safarro is dabajoog ah ku tago Eritrea?

Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kusoo laabtay magaalada Muqdisho, kadib booqasho laba maalmood qaadatay oo dalka Eritrea uu ku tagay, hadaba maxaa sababay in Xasan Sheekh uu dhowrkaan bilood safarro is dabajoog ah ku tago Eritrea?.

Su’aashaas wuxuu Xasan Sheekh kaga jawaabay wareysi uu siiyey TV-ga Qaranka Eritrea, isagoo yiri “Waxaan halkaan u imid in aan warbixin ka siiyo madaxweynaha Eritrea isbedellada iyo horumarka ka socda Soomaaliya, isla markaana aan weydiino wixii talooyin ah sidii horey loogu sii wadi karo xoreynta argagaxisada ee dalkeena.”

Xasan Sheekh oo Eritrea ku ammaanay Tageerada Somaliya 

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Eritrea ku ammaanay doorka ay ka qaadatay arrimaha Soomaaliya, isagoo sheegay inay Eritrea samaysay wax dalal yar ay ka sameeyeen Soomaaliya.

Xasan Sheekh ayaa wareysigaas ku sheegay in ciidamo badan oo Soomaali ah lagu tababaray dalka Eritrea, isagoo cadeeyey in Soomaaliya ay Eritrea u aragto wadan aan wax dan ah oo gaar ah ka lahayn Soomaaliya ee walaaltinnimo un u caawinaya.

Waxaa la rumeysan in madaxweyne Xasan Sheekh uu Eritrea ku tagay in kabadan safarrada uu ku tagay dalalka kale ee caalamka muddo xileedkiisan.

Somaliya iyo Eritrea oo ka wada hadalay xiisadda Itoobiya

Safarkaan dambe ee hadda uu ka soo laabtay Xasan Sheekh waxaa la sheegay in Afwarki ay ka wadahadleen xiisadda Itoobiya, maadaama labada dalba ay cadowgooda koowaad u arkaan Itoobiya.

Sidoo kale waxay Xasan iyo Afwerki aad u gorfeeyeen sidii ay u sii xooji la haayeen xiriirka iyo iskaashiga Soomaaliya iyo Eritrea oo dano badan wadaaga.

Ciidamada ugu badan ee Somaliya tababarka ugu maqan waxay joogaan dalka Eritrea, taasi waxay keentay in Xasan Sheekh uu kalsooni badan u qaado dalkaas oo noqday wadanka ugu badan ee safar uu ku tegay intii uu joogay xukunka.

Post a Comment

0 Comments