Maxkamadda gobolka oo ku dhawaaqday xukunka Sayid Cali Macallin Daa’uud

Maxkamadda gobolka oo ku dhawaaqday xukunka Sayid Cali Macallin Daa’uud

Wararka ka imanaya caasimada Muqdisho

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa goordhoweyd soo gaba-gabeysay kiiska ka dhanka ah Sayid Cali Macallin Daa’uud oo ku eedeysnaa inuu gubay xaaskiisii Luul Cabdicasiis oo uur lahayd, waxayna ku xukuntay dil toogasho ah.

Kiiskan oo aad loo sugayay ayaa maxkamadda horay waxay uga soo yeelatay laba fadhi oo dood adag ah, waxaana la horgeeyay marqaatiyeyaal ay kamid ahaayeen carruurtii marxuumadda.

Waxaa kale oo ay horay maxkamaddu u  dhageysatay, islamarkaana su’aallo ay waydiisay eedeysane Sayid Cali Macallin Daa’uud oo ku dooday inuu maseyrsanaa xilliga uu gaysanayay falkaasi.

”Xaaskeyga waan jeclahay, waxaan na dhexmaray muran, waxaa ay igu tiri nin kale ayaan guursanaya ee iska keey fur anna waan xanaaqay nafto ayaan soo gatay, waana ku gubay qol alaabta taalay ayada ayaana gashay dabka lakiin in aan badbaadiyo ayaan isku dayay,” ayuu Sayid Cali ka hor sheegay maxkamadda.

Ugu danbayn waxa lagu xukuamay dil toogasho ah

Ninkan ayaa ugu dambeyn lagu xukumay dil toogasho ah, “Maxkamadda gobolka Banaadir waxay Sayid Cali ku xukuntay dil toogasho ah oo ah qisaastii marxuumad Luul Cabdicasiis Maxamed,” ayuu ku dhawaaqay guddoomiyaha maxkamadda gobolka Banaadir.

Luul Cabdicasiis ayaa weli iyada oo mayd ah ku jirto Ferinjeer, waxaana lala sugayay cadaaladda iyo xukanka ay ridday maanta maxkamadda gobolka Banaadir.

Si kastaba, Kiiskan ayaa ahaa mid aad indhaha loogu hayay maalmihii lasoo dhaafay, waxaana la fahamsan yahay in xukunka maxkamadda ay soo dadajisay sida ay dhacdadaan uga fal-celiyeen shacabka Soomaaliyeed, maadaama ay aheyd mid ugub ah oo fajiciso ku noqotay reer Muqdisho iyo guud ahaan Soomaalida.

Post a Comment

0 Comments