Dowladda oo war kasoo saartay weerarkii Al-Shabaab ku qaadeen Balcad

Dowladda oo war kasoo saartay weerarkii Al-Shabaab ku qaadeen Balcad

Wararka ka imanaya Shabeelaha Dhexe

Warsaxaafadeed kasoo baxaya dowladda Somaliya ayaa waxaa looga hadlay weerar xoogan oo qaraxyo ku billowday, kaas oo ay Al-Shabaab ku qaadeen qaybo kamid ah degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Weerarka ayaa waxaa lagu ekeeyay laba koontarool oo ay ciidamada dowladda ku leeyihiin halkaasi, waxaana kadib xigay dagaal toos ah oo u dhexeeyay labada dhinac.

Warbixin kasoo baxday Dawladda 

Qoraalka kasoo baxay dowladda ayaa waxaa lagu sheegay in weerarka laga hortegay, isla markaaa uu meel cidlo ah ka dhacay qaraxa.

“Ciidamada geesiyaasha ah ayaa ka hor tegay dhagartaas, waxaana meel cidlo ah ku qarxay gaarigii cadowgu damacsanaa inuu ku dhibaateeyo shacabka, kaas oo loo soo ekeysiiyey gaari rakaab ah” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay dowladda.

Sidoo kale waxa ay dowladda Somaliya intaasi ku dartay in weerarkan uusan gaysan wax khasaare ah, marka laga reebo burburka guryo ay lahaayeen dad shacab ah.

“Guryo ay lahaayeen dad shacab ah ayaa ku burburay qaraxaas la fashiliyey, mana jirto dhimasho ah oo soo gaartay shacabka, markii laga reebay dhaawacyo fudud oo soo gaaray saddex askari oo fashilisay dhagartaas” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka.

Taliyaha ciidanka dhulka ee Xoogga dalka, Jeneraal Dayax Cabdi Cabdulle oo isna shir jaraa’id ku qabtay Balcad ayaa sheegay in jab xoogan la gaarsiiyay Khawaarijta, isla markaana laga dilay illaa 11 xubnood oo kamid ahaa raggii weerarka soo qaaday.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana dib u laabtay Al-Shabaabkii weerarka qaaday, sida ay innoo sheegay dadka deegaanka.

Alshabaab oo kordhisay weerarada ay ku qaadeyso saldhigyada.

Al-Shabaab ayaa bishan Ramadaan aad u kordhisay weerarada ay ku qaadeyso saldhigyada ciidamada dowladda iyo kuwa ATMIS ee ku yaalla koonfurta iyo bartamaha dalka.

Post a Comment

0 Comments