Beesha Waceysle iyo DF oo gaaray go’aan culus oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab

Beesha Waceysle iyo DF oo gaaray go’aan culus oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab

Wararka ka imanaya gobolka Galgaduud

Beesha Waceysle ee Abgaal ayaa gaartay go’aan dhabar jab ku ah kooxda Al-Shabaab, kaas oo suurtageli kara in deg deg looga xoreeyo deegaanada ay beesha Waceysle ka degto gobolka Galgaduud oo intooda badan hadda ku jira gacanta Al-Shabaab.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, shir xasaasi ah oo maalmahaan u socday hoggaamiyaasha Macawiisleyda beeshaas ayaa lagu soo gabagabeeyey deegaanka Mesagawaa ee gobolka Galgaduud, waxaana lagu gaaray go’aano culus.

Shirka waxaa qeyb ka ahaa saraakiil ka socota madaxtooyada Soomaaliya oo ka tirsan ciidanka xoogga dalka, ujeedkiisa ugu weyn shirkaas wuxuu ahaa in meesha laga saaro khilaaf u dhaxeeyey qaar ka mid ah saraakiisha hoggaamisa ciidamada deegaanka ee beesha Waceysle.

Waxaa lagu heshiiyey saddex qodob oo kala ah:

1 – In la dhameeyo oo Meesha laga saaro wixii madax-madow ah oo u dhaxeeyey hoggamiyayaasha ciidamada deegaanka ee beesha Waceysle, waxaana la sameeyey hoggaan ay ku mideysan yihiin ciidanka Macawiisleyda Waceysle iyo saraakiishooda.

2 – Inay isku tashato beesha Waceysle oo siyaasiyiinta, ganacsatada iyo waxgaradka beeshaas ay garab istaagaan ciidamada, halka markii hore ciidanka dib u xoreynta deegaanka beesha Waceysle ay dowladda kaliya garab ka sugi jireen, iyadoo ay xusid mudan tahay in beeshaas ay ka soo jeedaan ganacsato iyo siyaasiyiin badan oo wax badan tari kara ciidanka xaq u dirirka ah ee beesha.

3 – Iyo in dowladda Somaliya ay balan qaaday in si buuxda ay u garab siineyso ciidanka dib u xoreynta deegaanka ee beesha Waceysle, waxayna saraakiishii dowladda meteleysay balan-qaadeen in ciidanka beesha lagu taakuley doono wax kasta oo ay u baahsaan.

Shirka Mesegawaa waxaa lagu dejiyey qorshe ay iska kaasha doonaan dowladda iyo beesha Waceysle ay ku xoreynayaan guud ahaan dhulka beesha, gaar ahaan Mesegawaa, Galcad, Cawsweyne ilaa Xarardheere.

Post a Comment

0 Comments